New York (Kaab TV) – Dowladda Mareykanka ayaa 5 milyan oo dollar ubalan qaaday cidii soo sheegto madaxa sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kaas oo magaciisa lagu sheegay, Cabdullaahi Cusmaan Maxamed oo loo yaqaan Injineer Ismaaciil.
Rewards for Justice oo ah Barnaamijka abaal-marinta Cadaaladda, Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in $5 milyan la siin doono cid kasta oo keenta akhbaar hoggaamin karta aqoonsiga ama halka uu joogo.
Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in sidoo kale uu yahay la-taliyaha hoggaamiyaha guud ee kooxda Al-Shabaab, sida ey shaacisay dowladda Mareykanka.
Dhanka kale wuxuu sheegay Mareykanka in Cabdullaahi Cusmaan Maxamed uu sidoo kale yahay madaxa waaxda warbaahinta Al-shabaab ee Al-kaib.
“Ma heysaa macluumaad ku saabsan Cabdullaahi Cusmaan Maxamed” ayuu lagu yiri warbixinta uu soo saaray Mareykanka.
Mareykanka ayaa horay sidaan oo kale lacago dul dhigay hoggaamiyeyaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab, waxaana ugu dambeeyay oo $ 5 milyan la dul-dhigay Cali Maxamuud Raage oo loo yaqaan Cali Dheere, isla-markaana ka tirsan madaxda sare ee kooxda Al-Shabaab.
Cali Dheere ayaa ahaa afhayeenka Al-Shabaab tan iyo bishii May ee 2009, sidoo kalena waa hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda.
5-tii Janaayo 2023 dowladda Mareykanka ayaa waxay 10 milyan oo dollar ugu yabooday inay siin doonto cid kasta oo keenta xog hoggaamin karta in lasoo xiro ama dambi lagu helo Macallin Ayman, oo ah hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.