SO | EN

SO | EN

Mareykanka oo taageeray dadaalka Itoobiya ugu jirto Helidda aag Baddeed

|

Itoobiya (KAAB TV) -Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in Mareykanka uu si buuxda u taageeray dadaalka Itoobiya ee ay ku raadineyso marin badeed iyada oo adeegsaneysa waddooyin nabadeed iyo diblomaasiyadeed.

Safiirka Mareykanka ee Itoobiya, Ervin Massinga, oo waraysi siiyay wakaaladda wararka Itoobiya (ENA) ayaa sheegay in Washington ay si buuxda u garab taagan tahay hammiga Itoobiya ee deked helid, taasoo uu ku tilmaamay mid muhiim u ah horumarka dhaqaale iyo rajada gobolka ee dalkaasi.

“Dalka sida Itoobiya oo kale ah, oo leh koboc dhaqaale iyo dad badan, marin u helidda ganacsiga badda ma ahan mid kaliya muhiim ah, waa lama huraan,” ayuu yiri Safiir Massinga
Waxa uu hoosta ka xarriiqay in Mareykanku uu ka go’an yahay taageeridda Itoobiya iyada oo loo marayo waddooyin ganacsi, diblomaasiyadeed iyo kuwa nabadeed, taasoo muujinaysa sida uu sheegay isku xirka adag ee Mareykanka iyo istaraatiijiyadda Itoobiya ee ku aaddan isdhexgalka gobolka.

Itoobiya ayaa si xooggan u raadinaysa in ay marin badeed hesho, gaar ahaan iyadoo ka duulaysa heshiiskii muranka dhaliyay ee ay 2024 la gashay Somaliland, kaasoo dhalisay xiisado cusub oo dhexmaray Soomaaliya iyo Ethiopia.

In kasta oo Safiirku uusan shaacin marin gaar ah oo Itoobiya damacsan tahay, hadalladiisa ayaa kusoo beegmaya xilli Itoobiya ay xoojinayso xiriirka ay la leedahay dalal badda Cas leh sida Jabuuti, Kenya, iyo Imaaraadka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News