SO | EN

SO | EN

Mareykanka oo warkale ka soo saaray xiisadda Soomaaliya & Itoobiya.

|

Muqdisho (KAAB) Dowladda Mareykanka ayaa markale ka hadashay heshiiskii Is-afgarad ee ay Dowladda Itoobiya la saxiixatay Maamulka Somaliland iyo xad-gudubka ay Addis Ababa kula kacday madaxbannaanida Soomaaliya.

Qoraal la soo dhigay degelka X (Twitter) ee Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sidan lagu yiri:

“Mareykanka waxa uu la wadaaga Midowga Africa, IGAD, Ururada kale ee caalamiga ah iyo inta badan saaxiibadeena qaaradda Africa, in madaxbannaanida iyo sugnaanta dhuleed ee Soomaaliya la qadariyo ‘’ ayaa qoraalka lagu yiri.

‘’Waxaanu ka walaac-sannahay  heshiiska Is-afgarad ee la soo bandhigay in uu carqalad weyn ku noqdo halganka wadajirka ah ee aynu ku jirno, taas oo ay qeyb ka tahay maal-gashigii Itoobiya ee sanadihii tagay ay ku bixisay dagaalka Al-Shabaab iyo saameynta taban ee u uku leeyahay shacabka Soomaaliyeed. Waxaan taageersannahay wahadaladda u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland ee la xiriira mustaqbalka ay wadaagaan.”

Dowladda maraykanka ayaa sheegtay sidoo kale inay taageersantahay wadahadalada u dhaxeeya Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Gobalada Waqooyi ee ku salaysan mustaqbalka Soomaaliya.

 

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News