SO | EN

SO | EN

Mareykanka oo xanibaad saaray shirkadda beeyada Asli Maydi ee Somaliland

|

HARGEYSA (Kaab TV) — Hay’adda Kastamka iyo Ilaalinta Xuduudaha ee Maraykanka (CBP) ayaa soo saartay amar lagu xayirayo soo dejinta alaabta shirkadda Asli Maydi, oo ka mid ah ganacsatada fooxa ee fadhigeedu yahay magaalada Hargeysa, Somaliland.

Tallaabadan ayaa ku timid ka dib markii CBP ay heshay caddeymo muujinaya in shirkaddani ay adeegsatay shaqaale lagu qasbay habka wax-soo-saarkeeda, taasoo ka hor imanaysa sharciga Maraykanka ee 19 U.S.C. § 1307.

Sida laga soo xigtay bogga Facebook-ga ee Asli Maydi, shirkaddu waxay sheegtay inay taageerto bulshooyinka maxalliga ah, iyadoo shaqaaleysiinaysa dadka deegaanka oo la shaqaynaysa beeralayda si loo beero fooxa, isla markaana la siinayo mushahar shaqadooda.

Si kastaba ha ahaatee, baadhitaanka ay samaysay hay’ada xuduudaha ee CBP ayaa daaha ka qaaday caddeymo muujinaya dhaqamo ka mid yihiin khiyaamo, rabshad jireed, xaalado shaqo oo ad-adag, cabsigelin, iyo in mushaharka shaqaalaha la hakiyo.

Doodan lagama maarmaanka ah maaha mid ku cusub shirkadda Asli Maydi. Sannadkii 2021, saynisyahanad fadhigeedu yahay dalka Maraykanka, Dr. Anjanette DeCarlo, ayaa waraysi ay siisay Vice News ku eedaysay in Barkhad Xasan, oo ah mulkiilaha Asli Maydi, uu kufsaday xilli ay cilmi-baadhis ku samaynaysay Somaliland.

Dr. DeCarlo waxa ay sheegtay in ay markii ugu horreysay la kulantay Barkhad Xasan sannadkii 2018, markaas oo uu u soo bandhigay fursad cilmi-baadhis.

Waxay ku andacootay in markii dambe lagu qasbay inay gasho qol halkaas oo uu ku weeraray, inkasta oo Barkhad Xasan uu beeniyay eedaymahaas.

Sidoo kale, bishii Oktoobar 2021, Asli Maydi ayaa eedaymo kala kulantay odayaasha iyo ganacsatada Puntland, kuwaas oo ku eedeeyay Xasan inuu xaday xadi badan oo ah xabagta faleenka.

Hoggaamiyayaasha dhaqanka ayaa ku sheegay in alaabta la xaday ay gaadhay malaayiin doolar oo xabag ah.

“Ganacsiga alaabta lagu sameeyo shaqo khasab ah waxay si toos ah uga soo horjeedaa qiyamka Maraykanka. Marka alaabta lagu soo saaro iyadoo qof caafimaadkiisa, badbaadadiisa ama xoriyadiisa laga faa’iidaysto, dhammaanteen waxaan luminaynaa,” ayuu yiri Troy A. Miller, Sarkaalka Sare ee CBP ee Gudanaya Waajibaadka Wakiilka.

Kaaliyaha Fulinta ee Xafiiska CBP ee Ganacsiga, AnnMarie R. Highsmith, ayaa intaas ku dartay, “Tallaabadan, waxaanu fariin cad u diraynaa kuwa ku xad-gudba xuquuqul insaanka: badeecadaada lama keeni karo Maraykanka.”

Amarkan cusub ee WRO ayaa ku daraya 52 amar oo CBP ay firfircoon u dhaqan-galiso dunida oo dhan si looga hortago alaabta lagu sameeyo shaqo khasab ah, taasoo qayb ka ah ballanqaadka Maraykanka ee ka-hortagga xadgudubyada xuquuqul insaanka ee ku jira silsiladda saadka ee caalamiga ah.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News