Malta (KAAB) Koox la rumaysan yahay in ay yihiin Burcadbadeed Sooamaliya ah ayaa xeebaha Qandala lagu soo waramayaa in ay ka qafasheen markab ganacsi oo ka diiwaan-gashan dalka Malta.
Wakaalada wararka Reuters ayaa baahisay in markabkan uu u soo gurmaday markab ay leeyihiin ciidamada badda dalka Spain waxaa sidaas sheegay ciidamada Midowga Yurub ee la-dagaalanka burcad badeedda.
Waa markii ugu horeeyay oo burcad badeeda ay qafaashaan Markab ganacsi tan iyo markii 2017-dii markaasi oo howlgallo ay sameeyeen ciidamada badda ee caalamiga ah ay joojiyeen weeraradii gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya.
Sarkaal ka tirsanaa kooxaha aadka ugu ololaynayay , la dagaalanka burcadbadeeda Soomaalidda ayaa sheegay , in kooxaha laga yaabo in Markabka ay soo qafasheen ay keeni doonaan deegaanka Qandala halkaas oo mar saldhig u ahayd kooxaha.
Lama shaacin ilaa iyo hadda magaca doonta, islamarkaana mas’uuliyiinta Puntland ayaan weli ka hadal dhacdadan.
Markabka ayaa markii ugu dambeysay la arkay isaga oo shareecanaya dhanka Soomaaliya abaare 2:26 pm Jimcihii, sida ku cad xogta shirkadda LSEG ee la socota dhaqaaqa markaaiibta.