War saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Wasaarada Tamarta Turkiga ayaa shaaca looga qaaday in markabka Oruc Reis uu sameeyay sahan 3D seismic ah oo ka kooban saddex baloog oo kala duwan, oo daboolaya dhul dhan 4,464 kiiloomitir laba jibaaran.
Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee dalka Turkiga Alparslan Bayraktar, ayaa sheegay in Markabka Oruc Reis uu ka howlgalayay biyaha Soomaaliya tan iyo 25-kii Oct, 2024-kii, isagoo dhameystay howshii shaqo ee sahminta Shidaalka oo ku qaadatay 234-maalmood.
“Xogta la aruuriyay inta lagu guda jiray howlgalkan waxay noqon doontaa qorshe-hawleed lagu qiimeynayo awoodda badda Soomaaliya mustaqbalka dhow,” ayuu yiri wasiir Bayraktar.
Kadib saxiixii Heshiiska Wax Soosaar Wadaaga ah oo dhex maray Turkiga iyo Soomaaliya July 24, 2024, kaas oo quseeyay saddex baloog oo xeebaha Soomaaliya ah oo Sahminta Shidaalka laga sameenayay, Markabkaan Oruc Reis iyo maraakiibta la socotay ayaa usoo shiraacday Soomaaliya Oktoobar 4, 2024.
Markabka Oruc Reis, ayaa lagu wado in uu ka ambabaxo Dekadda Muqdisho 15-ka June si uu ugu laabto Turkiga, waxaase la filayaa in uu u diyaar garoobo hawshiisa soo socota marka la gaaro Bisha Agoosto.
Wasiir Bayraktar waxa uu carabka ku adkeeyay in xogta seismic ee la aruuriyay inta lagu guda jiro howlgalkan aysan kaliya taageeri doonin qiimeynta xuduudaha badda balse ay sidoo kale cadeeyn doonto sahaminta tamarta mustaqbalka.