SO | EN

SO | EN

Masar iyo Jabuuti oo ka wada hadlay xasilloonida Geeska Afrika

|

QAAHIRA (KAAB TV) -Madaxweyne Abdel-Fattah El-Sisi iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa maanta oo Axad ah ku kulmay magaalada Qaahira, iyagoo ka wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo dadaallada ballaaran ee lagu soo celinayo ammaanka iyo xasilloonida Geeska Afrika.

Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay madaxtooyada Masar, wasiirka arrimaha dibadda Masar Badar Abdelatty iyo safiirka Djibouti ee Qaahira Axmed Cali Berri ayaa sidoo kale ka qayb galay kulanka.

Intii uu socday kulanka, Madaxweyne El-Sisi waxa uu xaqiijiyey sida ay Masar uga go’an tahay taageeridda midnimada, xasilloonida, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Intaa waxaa dheer, labada dhinac waxay ka wadahadleen ammaanka Badda Cas, iyagoo carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo dadaallo wadajir ah oo lagu ilaalinayo marin biyoodka Bab El-Mandeb iyo xaqiijinta bad-mareennada badda.

Dhankiisa, wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti ayaa soo gudbiyay salaan iyo bogaadin uu u diray madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka Masar.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu lafa guray sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga laba geesoodka ah ee dhinacyada kala duwan, iyadoo xoogga la saaray muhiimadda ay leedahay in la sii qoto dheereeyo iskaashiga si loogu adeego danaha iyo himilooyinka labada dal.

Horaantii bishii Janaayo, Wasiir Abdelatty iyo dhiggiisa Jabuuti waxa ay ku baaqeen in la xoojiyo iskaashiga ka dhexeeya dowladaha badda cas si ay u ilaashadaan danahooda, loo adkeeyo amniga qaranka, loogana hortago khataro kala duwan.

Amniga Badda Cas

Abdelatty ayaa kulan gaar ah la qaatay dhiggiisa Jabuuti oo ay ka wada hadleen amniga gobolka, sida xaaladda badda cas iyo xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, Suudaan, iyo Geeska Afrika.

Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen kulanka ka dib, waxay labada wasiir ku muujiyeen doorka muhiimka ah ee dalalkooda ay ku leeyihiin kor u qaadista amniga badda iyo ilaalinta marinnada maraakiibta caalamiga ah ee badda cas.

Sidoo kale, labada wasiir waxay si buuxda u caddeeyeen inay si buuxda u taageersan yihiin midnimada, madaxbannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya iyagoo dhinaca kale muujiyay sida Masar iyo Soomaaliya ay uga qayb-qaadanayaan howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee lagu taageerayo xasilloonida Soomaaliya.
Intaa waxaa dheer, Abdelatty iyo Youssouf waxay ka wadahadleen dib u habeynta Golaha Nabadda iyo Ammaanka Afrika waxayna ku heshiiyeen in midba midka kale uu ka taageero musharaxnimada goleyaasha gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

Yuusuf ayaa dhankiisa carabka ku dhuftay in amniga qaranka Masar uu si aan kala sooc lahayn ugu xiran yahay kan Soomaaliya iyo mid kale. Waxay kaloo carabka ku adkeeyeen in wax kasta oo horumar ah oo ka socda marin biyoodka Bab el-Mandeb ay si dabiici ah u saameynayaan ammaanka, dhaqaalaha, iyo ganacsiga Masar.

Bedelkeeda, Abdelatty wuxuu carrabka ku adkeeyay xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya Masar iyo Jabuuti iyo sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga.

Waxa uu xaqiijiyey in Masar ay ka taageerto horumarinta Djibouti, gaar ahaan kaabayaasha dhaqaalaha, kaalmada farsamada, iyo tayaynta.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News