Masar iyo Mareykanka oo Paris kaga wada hadlay Soomaaliya, amniga Geeska Afrika iyo Badda Cas+Sawirro

|

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr. Badr Cabdilcaati, ayaa magaalada Paris kulan kula yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio, kaas oo ay kaga wada hadleen xaaladda gobolka Geeska Afrika, amniga Badda Cas iyo xiriirka labada dal.

No photo description available.

Secretary Of State Rubio Meets With Visiting Egyptian Foreign Minister Badr Abdelatty

Conference with Badr Abdelatty, Minister of Foreign Affairs of Egypt | Ifri

Marco Rubio Latest News, Marco Rubio Top Stories, Updates, Photos, Videos - India Today

Kulanka ayaa dhacay 9-kii Nofeembar 2026, xilli wasiirka Masar uu magaalada Paris uga qeybgalayay shirka wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka G7.

Intii uu socday kulanka, wasiirka Masar ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dalalka Geeska Afrika, isagoo sheegay in loo baahan yahay iskaashi lagu xaqiijinayo xasilloonida gobolka.

Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka ay arrintani si gaar ah u khuseyso, maadaama ay ku taallo goob istaraatiiji ah oo isku xirta Badweynta Hindiya, Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas.

Venetia Menzies (@venetiamenzies) on X

Masar ayaa muddooyinkii dambe si cad u muujinaysay taageerada ay u hayso midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, iyadoo muhiimad weyn siinaysa ilaalinta xuduudaha iyo wadajirka dhuleed ee dalalka gobolka.

Labada wasiir ayaa sidoo kale ka hadlay amniga Badda Cas, iyagoo isku raacay in la xoojiyo iskaashiga gobolka iyo kan caalamiga ah si loo ilaaliyo maraakiibta ganacsiga iyo isu-socodka badeecadaha caalamka.

Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa ka mid ah marin-biyoodka ugu muhiimsan dunida, waxaana isticmaala maraakiib ganacsi oo isaga kala goosha qaaradaha Afrika, Aasiya iyo Yurub.

Dawladda Soomaaliya awood ma u leedahay inay marin-biyoodka Baabul Mendab ka mamnuucdo maraakiibta dowladda ku Xadgudub Qarannimada ? – Goobjoog

Kulanka Paris ayaa sidoo kale lagu soo qaaday xiriirka istaraatiijiga ah ee Masar iyo Mareykanka iyo sidii loo sii xoojin lahaa wadatashiga labada dowladood ee ku saabsan arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

Labada wasiir ayaa ugu dambeyn isku raacay inay sii wadaan wada-shaqeynta iyo isku-duwidda dadaallada diblomaasiyadeed.

DHEERAAD:  Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle oo ku baaqay in wada hadal lagu dhameeyo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan magaalada Beledweyne.

Kulankan ayaa imaanaya xilli Geeska Afrika uu wajahayo isbeddello siyaasadeed iyo amni, iyadoo Soomaaliya ay muhiimad weyn u leedahay tartanka diblomaasiyadeed iyo danaha amni ee dalalka gobolka.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News