SO | EN

SO | EN

Masar oo diiday gargaar Iran ay u dirtay shacabka Falastiin kadib codsi ka yimid Israel

|

QAAHIRA (KAAB TV) – Dowladda Masar ayaa aqbashay dalabaadka Israa’iil ee ah in ay hor istaagto gaarsiinta 60 tan oo gargaar bini’aadantinimo ah oo ay Iiraan u soo dirtay dadka reer Falastiin ee ku dhibaatoonaya marinka Gaza 13kii Nofembar.

Sida laga soo xigtay ilo siyaasadeed oo la hadlay warbaahinta Al-Mayadeen, mas’uuliyiinta Masar ayaa “u diiday” gargaarka Tehran, oo ay ku jiraan cunto, sahay caafimaad, iyo daawooyin.

Waxaa sidaas soo dalbatay xukuumadda Tel Aviv.

Go’aankan ayaa yimid ka dib markii madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi uu ka sheegay shirmadaxeedka aan caadiga ahayn ee Islaamka Carabta ee Sabtidii ka dhacay Riyadh in Muslimiinta “waa inay is garab taagaan” xilliyadan dhibaatada Falastiin.

“Wadamada Muslimiintu waa inay hubeeyaan dadka reer Falastiin, iska caabintu waa jawaabta kaliya ee rabshadaha Israel, wadamada adduunka oo ay ku jiraan kuwa Muslimka ah waa inay xaqiijiyaan ilaalinta dadka reer Falastiin ee ku sugan dhulka la haysto” ayuu yidhi Raisi.

“Israa’iil waa in ay si deg deg ah u joojiso dagaalka ay ka wado Marinka Gaza, ciidamadeedana ay kala baxdo halkaas” ayuu Raisi ku daray hadalkiisa, isagoo carabka ku adkeeyay in Israa’iil iyo Mareykanka ay tahay in maxkamad la soo taago xasuuqii Gaza.

Toddobaadkii hore, Ururka Bisha Cas ee Iran (IRCS) Hossein Kolivand ayaa muujiyay sida ay Iran diyaar ugu tahay inay gargaar u dirto Gaza iyadoo dhibaatada bini’aadantinimo ay sii socoto.

Kolivand wuxuu u sheegay baahida loo qabo “sii wadida taageerada dadka dulman ee Gaza.” Waxa uu xusay in isbitaallada Gaza ay u baahan yihiin shidaal, isagoo sheegay in IRCS ay si buuxda ugu diyaargarowday inay u dirto shidaalka loo baahan yahay xarumahan daryeelka caafimaadka.

Ururka Bisha Cas ee Falastiin ayaa Axaddii sheegay inay ku qasbanaadeen inay joojiyaan hawlahooda shidaal la’aan awgeed.

Laga soo bilaabo 10kii Nofembar, 11,078 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay duqeymaha Israa’iil, 4,506 ka mid ah waxay ahaayeen carruur, 3,027 dumar ah. 27,490 kale oo falastiiniyiin ah ayaa ku dhaawacmay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News