MASAR(KAAB TV)Dowladda Masar ayaa shaacisay in Soomaaliya ay ka taageerayso dhanka amniga kadib qaraarkii Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay uu meesha uga saaray cuna-qabateynta hubka ee Soomaaliya saarneyd sanadaha badan.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in arrintaan ay muujinayso horumar la taaban karo oo dowladda Soomaaliya ay ka gaartay dagaalka argagixisada iyo raadinta xasilloonida.
Waxay ku dhowaaqday in ay si hagar la’aan ah u garab taagan tahay dadaallada dowladda federaalka ee ay ku dooneyso xaqiijinta amniga iyo dagaalka Al-Shabaab.
Taageeradan ayaa la filayaa in ay saameyn faa’iido leh ku yeelato ammaanka iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.