MUQDISHO (KAAB TV) – Xubno ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo culimo ayaa Isniinta (10 June 2024) kaga dhawaaqay magaalada Muqdisho inay dhowaan baabi’in doonaan qubuuraha digsigii tababarka booliska ee degmada Xamar Jajab.
Culimada, maamulka gobolka Banaadir, Wasaaradda Gaashaandhigga iyo taliska booliska ayaa sheegay in dhulka qubuuraha ah ay u baahan tahay Wasaaradda Gaashaandhigga.
Meydadka ku aasan qubuuraha ayaa loo qabtay 10 maalmood in lagu faago. Eheladda ay dadkooda ku aasan yihiin goobta ayaa lagu amray inay meelo kale ku aastaan, ama Maamulka Gobolka Banaadir “uu meel kale geyn doono.”
Isla dhulkan qubuuraha ah ayaa bishii hore waxaa ka dhashay buuq ka dib markii dad badan ay ku yaaceen ka dib markii lagu wargaliyay in qubuuraha la burburin doono.
Haddaba goormuu bilawday mashruuca qubuuro faagista Soomaaliya?
Bishii Jannaayo 2005: Kooxda Al-Shabaab, oo xilligaasi ku cusbeyd Soomaaliya, ayaa bilawday faagista qubuurihii Talyaaniga ee ku yaalla degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho. Dhowr maalmood oo ay burburinayeen qubuuraha, waxay ka lafihii meydadkii Talyaaniga ku daadiyeen meel u dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Dadka Muqdisho ayaa la argagaxay markii lafo iyo madaxyo dad oo ka mid ah kuwii lasoo faagay lagu arkay xaafado ku yaalla Yaaqshiid iyo Huriwaa.
Waxaa xusid mudan in goobta ay qubuuraha ka faageen Shabaabku ay markii danbe ka sameysteen xero ay ku tababaraan maleeshiyaadkooda.
20 Disembar 2008: Kooxda Al-Shabaab oo uu hoggaaminaayo Sheekh Xasan Yacquub oo xilligaasi u ahaa madaxa Kismaayo ayaa billaabay burburinta qubuuro ku yaallay Kismaayo. Qubuuraha ayaa sigu jiray kuwo ku yaalla kaniisaddii hore ee Talyaaniga, iyo qubuuro ay ku aasnaayeen culimada Suufiyada oo waayo hore dhintay.
Dhacdadan waxaa aad uga hadlay warbaahinta caalamka. Dowladda Talyaaniga ayaa bishii Oktoobar 2009 canbaareysay falka lagu beegsaday meytida Talyaaniga, waxayna Talyaanigu xilligaas ku dhawaaqeen inay lafaha ay soo qaadan doonaan oo ay dalkooda geyn doonaan.
30 Oktoobar 2009: Waxaa falka qubuuro faagista canbaareeyay Ra’isul Wasaarihii Dowladdii KMG ahayd Cali Maxamed Geeddi oo ku tilmaamay faagista lafaha meydka “fal fool xun, fal dambiyeed iyo fal bini’aadantinimo ka baxsan.”
19 Oktoobar 2009: Degmada Galhareeri ee baramaha Soomaaliya, waxay Shabaabku beegsadeen dhul idugu jiray qabriga Sheekh Cali Cibaar iyo masjid weyn oo culimada Ahlu Suna kaasoo ay burburiyeen.
24 Maarso 2010: Al-Shabaab ayaa faagay qabrigii Sheekh Aadan Dheere oo ku yaallay agagaarka Xararyaale iyo qabrigii Sheekh Cali Muumin oo isna ku yaallay xaafadda Labo Dhagax ee degmada Wardhiigley. Culimadan ayaa ka mid ahaa culimaa’udiinka dalka Soomaaliya qarniyo hore diinta dadka bari jiray.
Warbaahinta ayaa tabisay in rag hubeysan ayaa jawaanno ku qaateen lafaha meydadka culimada, iyagoo aanan la ogeyn halka ay geeyeen.
Habeenkii 23 Maarso 2010: Waxay Al-Shabaab waxay gudaha u galeen Mowlaca Sheekh Cali Cabdulle ee ku yaallay Xaafada Arjantiin ee Degamada Kaaraan ee magaalada Muqdisho. Waxay burburiyeen Qabrigii uu ku aasnaa iyagoo jawaan ku qaatay lafihii Sheekh Cali Cabdulle oo ahaa wadaad si weyn looga yaqiinay dalka Soomaaliya.
Toddobaadkii ka horeeyay, waxay kooxda Shabaabku qodeen, kana soo saaray qabriga lafihii Sheekh Muxyadiin Celi oo ahaa shiikhii waxbaray culimo badan oo ay ka mid ahaayeen Sheekh Aadan Dheere oo ku yaallay agagaarka Xararyaale iyo qabrigii Sheekh Cali Muumin iyo Sheekh Cali Cabdulle .
Dhammaan culimadan ayaa kuwa dariiqada Ahlu Sunnaha ee dalka Soomaaliya.
25 Maarso 2020: Maleeshiyaadka Shabaabka ayaa burburiyay qabrigii Sheekh Maxamed Biyamaaloow, iyagoo gudaha u galay masjidka Biyamaaloow oo ku yaalla degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu sheekhu ku aasnaa. Maleeshiyada Shabaab ayaa bannaanka usoo saaray lafaha Sheekh Biyamaaloow.
Dowladda Xasan Sheekh iyo beegsiga qubuuraha
Dhammadkii Juun 2023: Waxaa dadka reer Muqdisho ay ku buraarugeen in dhulka qubuuraha Macallin Nuur ee Garasbaaley laga iibin rabo dad guryo ka dhisanayaaya, iyadoo dadka loo sheegay inay la baxaan meydadkii muddada dheer halkaasi lagu aasayay. Arrintaasi ayaa dhalisay in dadka ka kacdoomaan.
3 Luulyo 2023: Waxaa goobta qubuuraha Macallin Nuur booqday Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo sheegay inaan qubuuraha la barakicin karin. Isagoo sheegay inuu la yaaban yahay in maanta la maraayo in meydadkii looga daba tagay halkii ay ku nasanayeen.
4 May 2024: Waxay dadka Muqdisho ka warheleen iyadoo la faagaayo qubuuraha Iskool Boolisiya (dugsiga tababarka booliska), haalkaasoo tan iyo xilligii dowladdii dhexe lagu aasayay meydadka. Arrintaasi wuxuu sababay in meydad badan ay dadku ka saaraan iyagoo sheegay inay u baqanayaan eheladooda halkaasi ku aasan.
Waxaa meydadka lasoo faagay ku jiray Allah ha u naxariistee majaajiliiste Cabdi Muriidi Ajakis oo ay qoyskiisa la bexeen meydkiisa oo tan iyo 2021 halkaasi ku aasnaa. Isla maalinkaas waxay boolisku qasbeen wiilka Ajakis inuu beeniyo war uu warbaahinta ka sheegay oo ahaa inay meydka aabohood la bexeen maadaama dhulka ay dowladdu qaadan rabto.