HARGEYSA (Kaab TV) – Suldaankii guud ee beelaha Gadabuursi (Samaroon), Suldaan Abuubakar Suldaan Wabar Cilmi ayaa shalay [Arbacadii] dib ugu soo laabtay magaalada Hargeysa ka dib markii ay dowladda Somaliland cafis u fidisay.
Suldaan Abuubakar Suldaan Wabar oo shalay Hargeysa lagu soo dhoweeyay ayaa saxaafadda u sheegay inuu goostay inuu dib ugu soo laabto Hargeysa ka dib markuu dadaal badan geliyay madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cirro oo muddo dheer lasoo xiriiraayay, dad kala duwana u soo diray.
“Danta reer Samaroon, iyo danta Somaliland ayaan u halgamaayay,” ayuu yiri Suldaan Abuubakar oo saxaafadda kula hadlay Hargeysa.
“Waxaan u mahadcelinayaa Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan oo iga samri waayey, oo rag badan iyo ergo badan ii soo diraayay,” ayuu yiri Suldaanka.
Suldaan Abuubakar Wabar wuxuu sheegay inuu kulamo la yeelan doono madaxda Somaliland, isagoo sheegay inuu waday ol’ole xuquuq loogu raadinaayo beelaha samaroon, si la mid sidii uu Cali Khaliif Galeyr uu xuquuq ugu raadinayay dadka reer Sool, sida uu yiri.
Soo laabashada Suldaanka Samaroon ayay ilo wareedyada dowladda Somaliland sheegayaan inay ku timid ka dib markii Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro uu cafis u fidiyay.
Suldaan Abuubakar Wabar ayaa muddo ka badan 10 sanadood ka maqnaa Somaliland, wuxuuna dhowaanahan ku sugnaa magaalada Muqdisho halkaas oo uu kulamo dhowr dheer kula yeeshay cubno ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Suldaanka ayaa hormuud u ahaa dhaqdhaqaaq lagu doonaayay inuu Somaliland looga jaro gobolka Awdal, halkaas oo dhowr jeer ay xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya sheegeen inay ka dhisayaan Awdal State oo qeyb ka noqon doonta nidaamka federaalka Soomaaliya.
Suldaanka iyo xubno siyaasiyiin qurbejoog ah ayaa sidoo kale kulamo la yeeshay xubno ka tirsan dowladaha Jabuuti, China iyo Turkey oo iyaguna si weyn u taageerayay in kacdoon laga sameeyo gobolka Awdal si gobolkaasi looga jaro Somaliland inteeda kale.
Tan iyo markii ay Somaliland heshey aqoonsiga dowladda Israel waxay xukuumadda Muqdisho xoojisay dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed iyo kuwa qabaa’ilka ee ku wajahan gobolka Awdal. Hase ahaatee in Suldaan Abuubabar Wabar uu dib ugu soo laabto Somaliland waxay dad badan ku tilmaamayaan inay fashil ku ridday mashruucii Awdal State.

