SO | EN

SO | EN

Masjid kuyaala Muqdisho oo Janaasada loodiiday in lagu Tukado Qofka Taariku Salaadka

|

Muqdisho (KAAB TV) – Masaajid kuyaala duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan halka looyaqaano Tabeellaha Sheekh Ibraahim ayaa waxaa lagu soo waramayaa in shalay ey kadhacday dhacdo naadir ah oo aan horey loogu arag caasimada Muqdisho.

Sidoo kale, Masjidka ayaa waxaa lagu soo waramay in shaley lageeyay meyd si salaada Janaasada halkaasi balse waxaa janaasada meydka ayaa waxaa kadhashay muran farabadan.

Dhanka kale, khaar kamid ah dadka deegaanka ayaa usheegay culimada in ninka dhintay uusan salaada tukan jirin, culimada masjidka ayana diiday iney masaajidka janaasada lagula tukado nin Taarikusalaad ah.

Khaar kamid ah culimada masjidka oo lagu magacaabo Sheekh Nuur Cali Jaamac in maalin walbo dad meyd ah lakeeno masjidka laguna tukado janaasada balse sababta shalay loodiiday in lagu tukado ninkaasi ayaa aheyd in uusan markiisi hore dukan jirin.

Ugudambeyn, dhacdadan shalay kadhacday duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan Tabeellaha Sheekh Ibraahim ayaa mid naadir kuna cusub magaalada Muqdisho, iyadoo dadka badan ey isku raaceen iney sax tahay in aan qofaan markiisi hore tukan jirin in masjidka lakeeno si janaasada loogu tukado.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News