SO | EN

SO | EN

Mas’uul katirsanaa mamaulka Soomaaliland oo isku soo dhiibay ciidanka SSC-Khaatumo

|

Sanaag (KAAB TV) – Faahfaahino kala duwan oo ka imaanaya koonfurta gobolka Sanaag ayaa kusoo watamaya in maanta halkaas lagu soo dhaweeyay guddoomiye ku xigeenkii gobolka ee Somaliland Jaamac Maxamuud Warsame, kaas oo kasoo goostay maamulka Hargeysa.

Sidoo kale, guddoomiye Jaamac Maxamuud oo saakey gaaray degmada Fiqifuliye ee koonfurta Sanaag, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay, maadaama ay joogaan ciidanka SSC-Khaatumo.

Mas’uulkan ayaa  lasoo goostay laba baabuur oo mid qori saaranyahay, kuwaas oo ay lahayd Somaliland oo weli dagaal kula jirta SSC-Khaatumo

Dhanka kale, guddoomiye ku xigeenka oo goobta ka hadlay ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay, waxayna sheegay in markii horeba uu ahaa nin deegaanka kasoo jeedo, haddana dadkiisii u yimid.

“Quluubta ayaynu marwalba ka wada joognay inyar uunbaynu kala maqnayn, soo dhawayntiina waan idiinka mahadnaqayaa marlabaad iyo mar saddexaad, fadhiga ayaynu isku waraysan doonaa” ayuu Jaamac oo warbaahinta la hadlay kadib markii uu goostay.

Sidoo kale, weli waxaa halkeedi kasii socdo xiisadda u dhexeyso Somaliland iyo SSC-Khaatumo, waxaana warkii ugu dambeeyay oo xalay kasoo baxay maamulka fadhigiisu yahay Laascaanood lagu sheegay in aanu wax hadal ah kala dhexeyn maamulka Hargeysa.

“Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo waxaa lagu dhaariyey Axdiga Maamulka oo damaanad qaadaya ilaalinta difaaca sharafka dadka iyo dhulka SSC-Khaatumo oo dhan, ma na jirto suurtagalnimo wadahadal iyo gorgortan looga geli karo qayb kamida dhulka SSC-khaatumo” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay maamulka SSC-Khaatumo.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo indhawaanahan magaalada Ceerigaabo ay ka taagnayd xiisad culus oo sababtay amaan darri, iyada oo dad kala duwan lagu dilay magaaladaasi.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News