Mas’uuliyiin Koonfur Galbeed oo ku xaniban Marka

|

Waxaa magaalada deegaanka Ceel Jaalle ee duleedka magaalada Marka ku xaniban muddo afar maalmood ah wafdi wasiiro iyo maamulka gobolka Shabeellaha Hoose oo doonaayay inay booqdaan magaalada Marka, ka dib markii dadweynaha degmada ay diideen.

Xiisad arrinkan ka dhalatay ayaa ka taagan Marka.

Xubnaha oo ay ku jiraan Wasiirka Caddaaladda Koonfur Galbeed, Wasiir ku Xigeenka Amniga, Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Gudaha iyo Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa haatan ku jira xerada ciidanka AUSSOM ee duleedka Marka.

Dadka deegaanka ayaa dhigay mudaaharaad ay ku diidan yihiin in wafdigan ay soo galaan magaalada Marka.

Sida uu sheegay Ibraahim Cumar Garbajoof oo ka mid ah xubnaha u dhaqdhaqaaqa xuquuqda gobolka Shabeellaha Hoose, waxaa dadka deegaanka Marka ay sheegeen inay sameysteen maamul lagu magacaabo Koonfur Bari oo laga sameeyay magaalada Marka.

Dhanka kale, waxaa dhowaan la hor istaagay xubno kale oo ka socda Dowladda Federaalka kuwaas oo ay hoggaaminayaan Guddoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Waqtigiisu Dhamaaday Cabdullaahi Cumar Abshirow kuwaas oo maalmo ka hor dib uga laabtay deegaanka Gendershe ee duleedka Muqdisho ka dib markii ay dadka degmada Marka dhigeen mudaaharaad ay kaga hor jeedaan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News