SO | EN

SO | EN

Masuuliyiin ku dhaawacmay weerarkii SYL oo loo qaaday dalka dibadiisa

|

Muqdisho (KAAB TV)- Dowladda Soomaaliya ayaa u qaaday dalka dibadiisa qaar ka mid ah dhaawacyadii ku waxyeeloobay weerar kooxda Al- Shabaab ay ku qaadeen Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho.

Dhaawacyada la qaaday ayaa  u badnaa kuwa qaarkooda aad u liita , halka kuwa kalena ay xaaladooda ay tahay mid iska caadi ah .

Ku dhawaad 20 qof oo Mas’uuliyiin dowladeed ah oo ku dhaawacmay qaraxii Hotel SYL ayaa maanta loo qaadayaa dalka Turkiga si halkaas loogu soo daaweeyo.

Dadka la qaaday dhaawacyadooda waxaa ku jira afhayeenka Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Farxaan Jimcaale, Taliyaha ciidanka Haramcad Cabdixamiid Cabdullaahi Fanax, Xoghayihii Maamulka Gobolka Banaadir Feysal Caraale iyo dhowr xildhibaan.

Dhammaan dadka la qaaday ayaa qaba dhaawacyo kala duwan oo sida loo badinayo u baahan daweyn dibadda ah.

Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo uu ka mid ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh, Wasiirka Warfaafinta Daa’uud Aqeys, Wasiirka Caafimaadka Cali Xaaji Aadan ayaa ka  sagootiyay dhaawacyadan Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Intii ay socotay qaadista dhaawacyada masuuliyiintan iyo dadka kale ee ku  jiray ibitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho waxaa la xiray inta badan waddooyinka Muqdisho.

Inkastoo dadka la qaaday ay yihiin dad ka tirsan dowladda, haddana dadka shacabka ee dhaawacyada soo gaareen ayaan helin daryeel kan la mid ah oo dalka dibaddiida loogu qaadayo.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News