SO | EN

SO | EN

Maxaa isku soo beegay dagaal beeleedka Galgaduud iyo safarka Xasan Sheekh?

|

DHUUSAMAREEB (KAAB TV) – Madaxwaynaha Dowladda Federaalka ah ee  Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku sugan degmada Dhuusmareeb, halkaas oo ujeedka lagu sheegay in ay tahay ka qayb galka wajiga  labaad ee dagaalka Al-Shabaab.

Laakiin degaano ka mid ah gobolka Galgaduud waxaa ka soo cusboonaaday dagaal beeleed sababaya dhimasho iyo dhaawac  kaas oo keentay walaac arrintaas ku saabsan.

Dhacdadii  ugu danbeysay ee dagaal beeleed ah ayaa lagu laayey shan caruur ah kuwaas oo ku sugnaa deegaano ka mid ah Dhabbad oo ka tirsan gobolka Galgduud, taas oo cabsi badana ay abuurtay.

Beelaha isku hayay Galmudug oo in  mudda ahba – hakad uu galay dagaalkooda ayaa – hada waxaa muuqanaya in dib ay u soo cusboonadeen tan iyo markii hoggaanka uu qabtay Madaxwayne Xasan Sheekh.

Qulqulutooyin dhawr ah ayaa ka dhacay deegaanada – maamul goboleedka Galmudug oo dhamaantooda salka ku ahaya arrimo qaba’il taas oo soo ifbaxday wixii ka danbeeyay 15- kii May.

Madaxwaynaha  Dowladda Federaalka , Soomaaliya wali ma uusan ka hadlin dhacdooyinkan oo imaanaya , iyadoo loo diyaargaroobayo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab.

Xagasha kale marka laga eego Dowladda ayaa u muuqata in ay iska iloobayso deegaanada ay ka jiraan dagaalada qabaailka keliya ay diirada saarayso deegaanada ka maqan gacanteeda ee ay Al-Shabaab maamulaan.

Dhinaca kale, beelaha dega Ceelbuur ayaa lasoo sheegayaa inay shaki ka muujiyeen maleeshiyaad la sheegay inay ka yimaadeen dhanka Guriceel oo deegaanka ku sii jeeda. Odayaal iyo saraakiil ciidan oo kasoo jeeda Ceelbuur oo kulan la yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka digay in maleeshiyaad aad deegaanka ahayn loo adeegsado hawlgallada ka bilaabanaya Ceelbuur.

Qaar ka mid ah waxgaradka Ceelbuur ayaa noo xaqiijiyay in weli arrintan ay tahay mid taagan taasoo haddii aanan waxba laga qaban caqabad ku noqon karta xaaladda deggenaansho ee gobolka.

Inkastoo ay isku soo aadeen booqashada , Madaxwaynaha ee Galmudug ee qulqultooyinka salka ku haya aanooyinka qabiil hadana lama oga sida Dowladda ay u maarayn karto xaaladahan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News