Boosaaso (KAAB ) –Ciidanka amniga Boosaaso ayaa maanta halkaas ka bilaaba howlgal ay ku sugayaan amniga ka dib markii halkaas weerar culus uu ka dhacay xalay.
Waxa sidoo kale faah faahino kale ay kasoo baxayaan weerarka ka dhacay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, ee Puntland.
Weerarada ayaa ahaa labo weerar oo ay fuliyeen dabley hubeysan midka koowaad kaas oo lahu dilay mid ka mid ah, ganacsatada yar yar ee magaaladaasi halka ay isaga baxsadeen goobta dableyda.
Ciidamada amniga ayaa gaaray halkaasi iu dilku ka dhacay iyagoona sameeyay howlgallo walow aysan jirin cid loo soo qabtay dilkaasi.
Weerarka labaad ayaa isna ka dhacay guriga Wasiirka Amniga Puntland Ibraahin Cartan Xaaji Bakiin, kaas oo lagu weeraray bambaanooyin, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.
Saraakiisha amniga ayaa sheegay in ay kusii raad joogaan kooxaha geystay weeraradaasi, kuwaas oo baxsaday kaddib bambaanooyinka ay tuureen.
Bilihii ugu dambeeyay waxaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ka dhacayay qaraxyo, kuwaas oo intooda badan ay dhacaan xilliga habeenkii ah, iyadoo lala beegsanayo goobaha ganacsiga, mana jirto illaa hadda cid si toos ah u sheegatay weeraradaasi.