Nairobi (KAAB) Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ku sugan inta badan hoggaamiyaasha qaarada Afrika halkaas oo ay uga qayb galayaan shir caalami ah .
Shirkan waxaa looga hadlayaa arrimaha deegaanka waxaana soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay waxaana bar – bar socda shirar gooni gooni ah oo ay yeelanayaan madaxda qaaradda.
Madaxwayaasha ku sugan waxaa ka mid ah Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud sidoo kale waxaa halkaas ku sugan Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.
Dowladaha Kenya iyo Ethiopia ayaa magaalada Nairobi ku kala saxiixday heshiis dhigaya sii xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada waddan.
Qodobada ay sidoo kale ay kala saxiixdeen waxaa ka mid ah , ganacsiga, isku socodka dadka iyo xoojinta nabad galyada qaaradda iyo guud ahaan midda gobolka.
Madaxda Qaramada Midoobay iyo madaxda kale ee ka qaybgalaya shirka ayaa ka walaacsan dhibaatooyinka sii kordhaya ee dhanka cimilo wasakhowga hawada ee caalamka.
Gaba – gabada shirkan ayaa lagu wadaa in ay ka soo baxaan qodobo xal ah dhibaatada deegaanka oo caalamka oo idil uu ka qabo walaac maadama ay jiraan isbedel cimilo oo saamayn reebay.