SO | EN

SO | EN

Maxaa kajira in uu is casilay Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya?

|

Muqdisho (KAAB) – Abshir Cumar Haruuse  Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa beeniyay warar lagu faafiyay baraha internetka, kuwaasi oo sheegayay inuu iska casilay xilkaas.

Wasiirka ayaa warkaasi ku tilmaamay mid wax kama jiraan ah, isagoo sheegay inuu safar shaqo ugu maqan yahay dalka dibaddiisa.

“Wararka sheegaya in aan is casilay waa been abuur lagu jahwareerinayo dadweynaha. Safar shaqo ayaan dibadda ugu maqanahay.” ayuu ku yiri hadal qoraal ah oo uu ku daabacay bartiisa Twitterka.

Wasiirka arrimaha dibadda ayaa maalin ka hor magaalada Baku ee caasimadda dalka Azerbajan kaga qaybgalay shirka ururka wadamada dhexdhexaadka ah Non-Aligned Movement oo ay ka qaybgalayaan wasiirrada Arrimaha Dibedda ee dalalka xubnaha ka ah ururka NAM.

Wasiir Abshir iyo wasiirka maaliyadda ayaa baraha internetka lagu qoray inay iska casileen xilalkoodii, iyagoo la sheegay inay ka caroodeen faro galin la sheegay inay madaxtooyadu ku hayso wasaaradahooda.

Inkastoo wasiirka arrimaha dibadda uu beeniyay inuu iscasilay, haddana waxay wararku sheegayaan inay jiraan xiisado siyaasadeed oo ka dhashay habka ay dowladdu u waddo la dagaalanka musuqa.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News