SO | EN

SO | EN

Maxaa kasoo bixi doona Shirka Kismaayo?

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Labo qodob oo waaweyn ayaa la filayaa inay udub-dhexaad u noqdaan War-Murtiyeedka laga soo saari doono Shirka Kismaayo, oo maanta gelinka dambe si rasmi ah u furmaya.

Qodobadan ayaa si gaar ah u taabanaya jihada siyaasadeed ee shirka iyo saamaynta uu ku yeelan karo xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka lagu muransan yahay ee 2026.

Dhanka amniga, waxaa si weyn loo adkeeyay sugidda ammaanka Kismaayo, kaddib xogaha muujinaya shirqool ay kooxda Al-Shabaab ku doonayso inay ku carqaladeyso shirka, taas oo keentay feejignaan dheeraad ah iyo tallaabooyin amni oo cusub.

Dhanka kale, waxaa soo baxaya in saddex ka mid ah Dowlad-Goboleedyada dalka, kuwaas oo kala ah Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug, ay si hoose u hambalyeeyeen martigelinta iyo qabsoomidda Shirka Kismaayo, inkastoo uusan jirin war rasmi ah oo ay si fagaare ah u shaaciyeen.

Ku daawo barnaamijka On_The_Spot ee Kaab TV.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News