Wararka aan ka helayno gobalka Sool ayaa tibaaxaya in xiisaad dagaal ay saakay ka taagan tahay Duleedka Woqooyi magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool ,halkaasi oo ay isku hayaan Ciidamada Militariga Somaliland iyo sidoo kale Ciidmada dadka deegaanka oo doonaya in Somaliland ay guud ahaanba isaga baxdo dhulkooda.
Kaav TV ayaa heshay xog ah in magaalada Laascaanood ay saacidihii lasoo dhaafay ay gudaha u galeen gaadiid dagaal ,kuwaasi ooh adda ka barbar dagaalamaya ciidamada Deegaanka oo dagaal adag kula jira ciidsamada Somaliland.
Dhanka kale dowladda Somaliland ayaa ciidamo dheeraad ah oo militari ah iyo gaadiidkeeda dagaalka geysay qeybo kamid ah duleedyada ah aagga dagaalka ee magaalada Laascaanood ,si ay u xoojiso ciidamadii horey u joogga gobalkaasi.