MOGADISHU (KAAB TV) –Inta noloshaada ka dhiman waxaad arki doonta madaxweyne maamul goboleed iyo madaxweyne federaalka oo isku dhagan markasta.
Sidoo kale waxaa arki doontaa madaxweyne ku tacadinaya shacabkiisa kuna tagrifalaya awoodii la siiyay waxaa oo aad arki doontaa wasiiro iyo Agaasimayaal isku haysta anaa kaa awdood badan iyo anaa kaa awood badan inta arintaan ay jirto.
Khilaafka ragaadiyay ee soomaaliya mudo waa uu soo jiray tan markii dib loo dhisay dowladnimada soomaaliya waxaa jiray khilaaf siyaasadeed oo si joogta ah ugu dhax dhacayay madaxda dalka soomaliya ugu sareysa markii dalka uu qaatay nidaamka federaalka oo iyadane noqotay khilaaf hor leh oo siyaasiyinta isku qabsadaan.
Maxay tahay waxa sababay in uu jiro khilaafkas.
Dastuurka soomaaliya waxaa ku qoran qodobo badan hadii sida ay yihiin kalii loo raaco xal u keeni kara khilaafka u dhaxeya madaxda ugu sareysa soomaaliya.
Tusaale: Qodobka 109 ee Dastuurka soomaaliya waxaa leeyahay.
Qodobka 109A. Golaha Adeegga Garsoorka
(1) Dastuurkani wuxuu asaasayaa golaha Adeegga garsoorka.
(2) golaha Adeegga garsoorku wuxuu ka koobnaanayaa sagaal (9) xubnood, oo kala ah sida soo
socota:
(a) garsooraha Sare ee Maxkamadda Dastuurka;
(b) garsooraha Sare ee Maxkamadda Sare;
(c) garyaqaanka guud;
(d) Laba (2) garyaqaan oo sare oo ka tirsan garyaqaanadda Soomaaliyeed, oo mid walba xilli afar
(4) sanno ah ururka garyaqaanadda ay magacaabeen;
(e) Qofka guddoomiyaha ka ah guddiga Xuquuqul Insaanka; iyo
(f) Saddex (3) qof oo xushmad sare ku dhex leh bulshada rayidka ah oo uu soo jeediyay golaha
Wasiiradu ka dibna uu u magacaabay madaxweynuhu xilli afar (4) sannadood ah.
(3) Xubnaha guddiga Adeegga garsoorku waxay dhexdooda ka dooranayaan qof u noqda
guddoomiyaha golaha Adeegga garsoorka.
(4) Xubinta golaha Adeegga garsoorku waxay xilka hayn kartaa hal xilli oo shan sannadood ah, oola
cusbooneysiin karo mar keliya.
(5) Wixii Sharci ama qanuun ay sameystaan golaha Adeegga garsoorku), oo khuseeya anshax marinta
garsoorayaasha heer Federaal, wuxuu sharcigaasi sidoo kale qabanayaa xubinta golaha Adeegga
garsoorka.
(6) Sida sharciga ama xeerkuba dhigayo, golaha Adeegga garsoorku waa in uu:
(a) Magcaabaa, anshax mariyaa isla markaana beddelaa xubnaha garsoorka ee Federaalka;
(b) go’aamiyaa mushaharka iyo lacagta hawlgabka ee garsoorayaashaa;
(c) Dejiyaa shuruudaha shaqo ee garsoorkaa.
Qodobka 109B. Asaaska Maxkamadda Dastuurka
(1) Dastuurkani wuxuu aasaasayaa Maxkamadda Dastuurka oo ka kooban shan (5) garsoore oo uu ku
35
JAMHUURIYADDA FEDERAALKA EE SOOMAALIYA
jiro garsooraha Sare iyo ku xigeenka garsooraha Sare.
(2) golaha Adeegga garsoorku , waa in uu u magacaabaa garsoore Maxkamadda Dastuurka qof
daacadnimo sare leh oo keliya, isla markaana si rasmi ah u bartay sharciga iyo Shareecada, khaas
ahaanna ku xeel dheer sharciga dastuurka.
(3) golaha Adeegga garsoorku waa in uu u soo jeediyaa golaha Shacabka qofka noqonaya garsoore
Maxkamadda Dastuurka.
(4) Haddii golaha Shacbigu ansixiyo magacii la soo jeediyay iyadoo la raacayo faqradda (3) ee
Qodobkan, Madaxweynuhu waa in uu u magacaabaa qofkaa garsoore Maxkamadda Dastuurka.
(5) Dhexdooda, garsoorayaasha Maxkamadda Dastuurku waxay ka dooranayaan garsooraha Sare iyo ku
xigeenka garsooraha Sare.
Qodobka 109C. Awoodaha Maxkamadda Dastuurka
(1) Maxkamadda Dastuurku waay yeelaneysaa awoodahan u garrka ah:
(a) Marka uu codsi ka yimaaddo Xubin ka Mid ah golaha Wasiirada, guddi ka tirsan aqalada
Baarlamaanka midkood, ama toban Xubnood oo ka mid ah Aqalada midkood,in ay
Maxkamaddu dib u eegto hindisa sharci, ayna go’aansato in sharcigaasi waafaqsan yahay
Dastuurka;
(b) In Maxkamaddu dhegeysato go’aanna ka gaadho kiis ka soo unkamay sida ku cad Qodobka
86aad,oo la xidhiidha muran ka dhashay sida xeer uu u waafaqsan yahay dastuurka;
(c) In maxkamaddu dhegeysato, go’aanna ka gaadho kiis ka soo unkamay sida ku cad faqradda
Qodobeedka 109(2)(c) kaasoo khuseeya in dhinac uu hor keenay maxkamad dood kiis
macquul ah, kiiskaana loo gudbiyay Maxkamadda Dastuurka si ay go’aan uga gaadho;
(d) In ay go’aamiso khilaafyada u dhexeeya dawladda federaalka ah iyo dawlad goboleedyada
xubinta ka ah dawladda federaalka ah iyo Dawlad goboleedyada federaalka dhexdooda;
(e) In ay dhegeysato, go’aana ka gaadho Khilaafyada ka dhexeeya waaxaha Dawladda federaalka
ah ee la xidhiidha awoodaha dastuuriga ah iyo waajibaadka ay kala leeyihiin; iyo
(f) In ay dhegesato, go’aana ka gaadho Marka la eego Qodobka 92aad oo la xidhiidha kiisaska
denbiyada dastuur ee Madaxweynaha lagu soo oogo ee xil ka qaadista keeni kara.
(2) Maxkamadda Dastuuriga ah ayaa go’aansan doonta taariikhda ay ka bilaabmi karto hirgelinta marka
la gaadho laguna dhawaaqayo in uu sharci yahay wax kama jiraan.
(a) Haddii sharci loo arko mid aan dastuuri ahayn, marka laga reebo sida ku cad a faqradda (b) ee
qaybtan, iyadoo xisaabtana lagu darsanayo saameynta ay ku leedahay taariikhda uu sharcigaasu
noqonayo wax kama jiraan, dadka daneynaya arrinta iyo guud ahaan danaha bulshoba, waxay
maxkamaddu go’aansan kartaa in sharcigaasi uu yahay waxba kama jiraan ilaa markii la
sameeyay,ama taariikhda ka bilaabanta markii xukunku dhacay ama, si ay haboon tahay marka
wax kama jiraanimada sharcigu bilaabmayo, taariikh mustaqbalka ah loo qabto.
(b) Haddii arrintu ku lug leedahay sharci dembiyeed,haddii in sharcigaa wax kama jiraankiis laga
bilaabo markii la sameeyay, haddii arrintaasi u faa’iideyneyso qof lagu xukumay sharcigaa aan dastuuriga ahayni, waa in ay Maxkamadda Dastuurka waqtigaa isaga ah ka soo bilowdaa wax
kama jiraanimadiisa.
Maalmihii la soo dhaafay waxaa jiray Magacaabis kala kuwan ay sameeyeen Taliyaha Booliska soomaaliya uu magacaabay taliyaha saldhiga Booliska magaalada jowhar isla sidoo kale Taliyaha Booliska hirshabeelle uu asne magacay taliyaha Booliska degmada jowhar weliba hal saldhig ayay u magacaabeen labadaba hadii ay jilaheed maxkamada sare ee dalka ma dhicilaheen sidaan hada dhacday oo kale .

