SO | EN

SO | EN

Maxaa keenay dagaalka culus ee Suudaan dib uga curtay?

|

Khartuum (Kaab TV)- Dagaal culus ayaa maanta dib uga curtay caasimadda dalka Suudaan ee Khartuum, kaddib markii uu dhamaaday waqtigii xabad joojinta ee dhinacyada is haya dalkaas ay ku heshiiyeen.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay militeriga dalkaas oo lagu yaqaano adeegsiga diyaaradaha dagaalka tan iyo markii uu bilaawday dagaalka Suudaan.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay inay soo dhacday diyaarad militeri oo ku dul burburtay Omdurman oo kamid ah seddaxda magaalo oo ay ka kooban tahay caasimadda weyn ee Khartuum.

Diyaaradaha ayaa duqeynaya saldhigyada ciidamada sida militeriga u tababaran ee RSF oo ah garabka awooda badan ee militeriga Suudaan kula dagaalamaya Khartoum.

“Waxaa la iskugu imaaday wadaxajood diiradda lagu saaray sidii loo fududeyn lahaa gargaarka bini’aadanimo iyo sidii heshiis xiliga gaaban ah loo gaari lahaa, ka hor inta aanay dib u bilaaban wadahadallada Jeddah,” ayaa lagu yiri war wadajir ah oo ay saareen labada wadan ee Sacuudiga iyo Mareykanka.

Meelaha dagaallada cusub laga soo sheegati maanta oo Axad ah waxaa kamid ah bartamaha iyo koonfurta caasimadda Khartuum iyo Bahri ee naylka buluugga ah illaa waqooyiga magaalada.

Heshiiska xabad joojinta ayaa soo bilowday 22-kii bishii dhamaatay ee May, wuxuuna ku ekaa xalay.

Dagaalkan oo todobaad galay ee ka socda Suudaan ayaa barakiciyay 1.2 milyan oo qof, kuwaas oo ku barakacay dalkaas gudihiisa iyo 400,000 oo qof oo u qaxay wadamada dariska ah, halka boqolaal kalena ay dhinteen.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News