SO | EN

SO | EN

Maxaa looga hadlayaa Kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxdii hore?

|

Muqdisho (KAAB) – Waxaa lafilayaa saacadaha soo aadan in Maanta Magaalada Muqdisho uu ka furmo Shir u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxdii hore ee dalka soo hoggaamisay, sida Madaxweynayaal hore iyo Ra’iisul Wasaarayaal hore.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Madaxdaaan shirka isugu yeeray sidii dawladda Soomaaliya ay ”uga tala galin lahayd, ra’yigoodana u dhegeysan lahayd” madaxda dalka hore u soo hoggaamisay, si loo ogaado waxa ay ka qabaan qorshaha ay Madasha Wadatashiga Qaran soo bandhigtay bishii May ee ku saabsan doorashooyinka lagu baaqay in dalka ay ka dhacaan ee qof-iyo-cod, iyo hannaanka xisbiyada dalka iyo baabinta xafiiska R/Wasaaraha si loo sameeyo madaxweyne iyo madaxweyne xigeen.

Madaxdii hore ee uu uu Shirka ku casuumay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa diidmo kala horymid qodobadii kasoo baxay Shirkii Golaha wadatashiga Qaran ee ka qabsoomay magaalada Muqdisho, kaas oo ay kamid ahaayeen in dalka ey ka dhacdo doorasho qof iyo Cod ah.

Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in ay jiraan Madax hore oo aan shirkaas ka qeyb galeyn, waxaana kamid ah Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isagu horay u taageeray qodobadii ay soo saareen Golaha wadatashiga Qaran.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News