Laascaanood (Kaab) – Ku dhawaad labo isbuuc waxaa magaalada Laascaanood ka taagan colaad u dhexeysa ciidamada Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland iyo ciidan bulshada deegaanka ah oo kasoo horjeeda in ciidamada Somaliland ay sii joogaan deegaankooda.
Hoggaanka Dhaqanka ee ku mideysan Golaha Dhaqanka oo ka kooban 14 qof, oo wada rag ah. Bayaan ay soo saareen ayey ku sheegeen in ay doonayaan inay Somaliland guud ahaan ba isaga baxdo dhulkooda iyo inay qeyb ka noqdaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Waxa ay ku doodeen aysan raalli ka ahayn in dhulkoodu uu qeyb ka noqdo Somaliland oo iyadu sheegtay inay ka go’aday Soomaaliya iyada oo ka masuul ah dhammaan dhulkii Goboladda Waqooyi la dhihi jiray.
Xiisadaas oo ay ka dhasheen dilal dad aan la aqoonsan ay ka geysteen magaalada iyo dibadbaxyo dabo socday ayaa gaartay heerka ugu sarreeya ee kala-fogaanshiyaha labada dhinac.
Waxaa ugu dambeeyay dilka Cabditifaax Hadraawi oo dhacay 26-kii bishii December ee sannadkii tagey, kaas oo xubin ka ahaa xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani.
Dibadbaxyadii ka dhashay dilkaas iyo jawaabta ciidamada booliska ayaa xiisada cirka ku sii shareertay.
Isbuucyadii lasoo dhaafay waxaa magaalada Laascaanood ka jiray qalalaase isu baddalay dagaal toos ah oo u dhaxeeya dadka deegaanka iyo ciidamada Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.
Hoggaanka dhaqanka bulshada Laascaanood ayaa shirkii ugu dambeeyay ee ay magaalada ku yeesheen ku dalbaday in ciidamada Somaliland ka baxaan dhulkooda.
Haddaba waa kuwee hoggaamiyeyaasha dadka deegaanka ee Laascaanood?
Golaha Dhaqanka
Golaha dhaqanka waa14 xubnood oo isugu jira sagaal garaad, 2 suldaan iyo 2 ugaas iyo Boqor.
Boqorka waxaa lagu magacaabaa Cabdullaahi Axmed Cali.
Waxaa jira dhowr garaad oo hormuud u ah dadka deegaanka kuwaas oo darajo ahaan kala sarreeya, dhammaantoodna waxa ay qeyb ka yihiin dagaalka socday maalmihii lasoo dhaafay.
In muddo ahba waxaa si weyn loo hadal-hayay magacyada afar garaad oo ah kuwa ugu saameynta badan bulshada deegaanka.
Xiriirrro kala duwan ayaan la sameynay garaaddada si aan wax badan uga ogaanno taariikhdooda.
Garaad Jaamac Cali.
Waa Garaadka ugu darajada sarreeya, uguna saameynta weyn bulshada deegaanka iyo dhaqanka ba.
Garaad Jaamac ayaa hadda ah hoggaanka dhaqanka ee ugu sarreeya garaadda golaha, isagoo shir-guddoomiya kulamadooda.
Garaad Jaamac Garaad Cali waxa uu magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ku dhashay sanadkii 1974. Waxa uu sanadkii 2006 garaadnimada ka dhaxlay adeerkiis Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac oo ku sime ahaa, isla sannadkaas ayaana loo caleema saaray.
Garaad Jaamac oo ku abtirsada 19 garaad waxa uu aabihii Garaad Cali geeriyooday bilowgii 1985-kii, isaga oo markaas 15 jir ah oo aan weli gaarin da’da uu xilka uga dhaxli karo.
Garaad Cabdiqani oo ah garaadka dhintay walaalkiis ayaa bishii May ee 1985-kii la caleemasaaray.
Garaad Jaamac Garaad Cali waxa uu hadda deggan yahay guri ku leeyahay magaalada Laascaanood.
Garaad Cabdullaahi Saleebaan Maxamed
Waa garaadka labaad ee ugu sarreeya garaaddada gobolka, waxa uuna hoggaanka hayaa marka uusan joogin Garaad Jaamac. Waxa uu ku abtirsadaa ilaa 8 garaad oo uu kasoo jeedo.
Garaad Cabdullaahi Saleebaan waxa uu dhashay sanadkii 1969. Aabihiis oo ahaa garaad magac weyn lahaa ayaa geeriyooday dabayaaqadii sanadkii lasoo dhaafay.
Intii ay socdeen rabshadaha Laascaanood ayaa loo gartay in uu noqdo garaadka.
In muddo ah ayu ku howlanaa xallinta xiisad socotay tan iyo 2012-kii oo ay ku dhinteen in ka badan 20 qof. Waxa uu dhibaatadaas soo afjaray isagoo aan weli loo caleema saarin garaadnimada.
Garaad Cabdullaahi waxa uu waxbarashada ka gaaray ilaa heer Dugsi Sare ah.
Dhawaan ayaa la filayaa in la caleema saaro Garaad Cabdullaahi si uu rasmi ahaan ula wareego xilkii aabihiis.
Garaad Jaamac Ismaaciil Ducaale
Kaalinta saddexaad ee garaaddada bulshada gobolka waxaa ku jira Garaad Jaamac Ismaaciil Ducaale oo garaadnimada uu uga horreeyay aabihiis, halkaasna uga baxay abtirsiga garaadnimo.
Garaad Jaamac Ismaaciil waxa uu dhashay 1971-kii. Waxa uu waxbarashada ku qaatay ilaadugsi sare dalka gudihiisa waxaana uu burburkii ka dib aadey dalka debediisa.
Waxa uu dalka dib ugu soo laabtay markii Garaad Ismaaciil Ducaale Guuleed geeriyoodey 2008-dii. Ka dib 2009-kii ayaa la caleemasaaray.
Warar ay BBC-du heshay ayaa sheegay in Garaad Jaamac Ismaaciil uu yahay ninka abaabulay dadka deegaanka ee dagaalka kula jira ciidamada Somaliland.
Waxa uu soo jeediyay in madax-dhaqameedku ay ku soo xaroodaan Laascaanood.
Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in garaaddadu ay horkacayaan dagaalka ay qeybta ka yihiin bulshada is abaabushay.
Aaan ka sheegno in la eg inta aan ka sheegnay garaad Jaamac; weydiimaha waxbarashada, caleemasaarka iyo deegaanka ee kore waa muhiim; iyo sidoo kale isha xogta ama haddii uu garaadka toos noogu sheegay xogtan
Garaad Cabdirisaaq Soofe Durraan
Waa garaadka afaraad ee ku abtirsada garaaddada soo jiray wixii ka horreeyay burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.
Garaad Cabdirisaaq Soofe waxa uu dhashay sanadkii 1964.
Waxa uu booska afaraad uga jiraa liiska kala sarreynta garaaddada dhaqanka, isagoo hoggaanka shirarka qabta marka ay maqan yihiin saddexda garaad ee kale.
Garaad Cabdirisaaq soofe waxbarashadiisa waxa ay ahayd Dugsi Sare, ka dibna waxa uu noqday ganacsade.
Waxa uu sanadihii u dambeeyey dhinaca hoggaanka dhaqanka kala shaqaynayey Aabihii isagoo ganacsigiisana sii wata.
Shakhsiyaadka kale ee ugu magaca dheer odayaasha dhaqanka ee Laascaanood waxaa ka mid ah Suldaan Maxamuud Seed oo saameyn ku leh dagaalka.
Inta badan waxaa adag in xog rasmi ah laga helo xaaladda gudaha ee magaalada Laascaanood, sababo la xiriira amni darrada uu sababay dagaalka.
Ka hor inta aysan xaaladdu isu beddelin gacan ka hadal waxaa halkaas ka dhacay dibadbaxyo rabshado watay oo daba socday dilal kusoo batay Laascaanood, kuwaasoo ay dadka deegaanku ka cabanayeen.
Aaan ka sheegno in la eg inta aan ka sheegnay garaad Jaamac; weydiimaha waxbarashada, caleemasaarka iyo deegaanka ee kore waa muhiim; iyo sidoo kale isha xogta ama haddii uu garaadka toos noogu sheegay xogtan.
Maxaa sababay dagaalka?
Laascaanood waxaa lagu tiriyaa mid ka mid ah magaalooyinka Soomaalida ee ay ka dhacaan dilalka ugu badan ee qorsheysan. Haddii aan waqtiga dib u celinno, sanadkii 1969-kii waxaa lagu dilay magaaladan madaxweynihii labaad ee Soomaaliya, Cabdirashiid Cali Sharmaarke.
Balse laga soo laga soo bilaabo 2010-kii waxaa soo xoogeysanayay dilalka shaqsiyaad deggan magaalda oo ay geysanayeen dabley aan la aqoonsan.
Sanadkaan oo kaliya lix qof oo ah dad si wayn looga garanayo magaalada ayaa la khaarijiyay.
Qofkii ugu dmabeeyay ee la dilo ka hor inta aysan bilaaban xiisaddan ayaa ahaa Cabdifitaax Hadraawi, kaasoo ahaa nin dhalinyaro ah oo la sheegay in uu ahaa siyaasi.
Dilkiisa ayaa kiciyay dareenka shacabka magaalada, kaas oo horseeday dibadbaxyo si nabad ah ku bilowday balse markii dambe isu beddelay kuwo dhimasho sababay ka dib markii isku dhac uu ka dhex dhashay booliska iyo dibad baxayaasha.
Ila iyo hadda inta aan xaqiijinay dibadbaxyadaas waxaa ku dhintay shan ruux 9 kalena waa ay ku dhaawacmeen.