Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

SO | EN

Maxaan ka ognahay sarkaalka tababarka sare haysta ee hogaaminaya dagaalka L/C?

|

Laascaanood (Kaab TV)  Waxaa weli ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool dagaalka u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC, kaasi oo galay toddobaadkii saddexaad.

Sida ay ogaatay (Kaab TV), waxaa dagaalkan qeyb ka ah Taliye Maxamed Saleebaan (Haybe Shire) oo isagu hadda kamid ah saraakiisha horkacaya ciidamada SSC, oo shalay guulo waaweyn ka sheegtay dagaalka socda.

Ninkan ayaa deegaan ahaan kasoo jeeda gobolka Sool, wuxuuna kamid ahaa saraakiisha sare ee ciidanka dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo si heer sare ah u tababaray Mareykanka.

Sida ay xogta ku heshay (Kaab TV), sarkaalkan ayaa waxa uu markii hore la socday Garaadka Jaamac Garaad Cali oo Laascaanood tegay daba-yaaqada bishii hore, wuxuuna ahaa taliyaha ilaaladiisa gaarka ah.

Kadib markii uu dagaalka xooggan ka dhex qarxay labada dhinac ayaa waxa uu Haybe Shire toos ugu biiray saraakiisha hoggaamineysa ciidamada SSC.

Haybe Shire ayaa waxa uu ahaa taliyihii kontoroolada guur-guura ee Booliska Soomaaliya ee loo soo gaabiyo MVCP, kuwaasi oo howl-galo joogto ah ka sameyn jiray inta badan magaalada Muqdisho, illaa haddana lama arag meel looga qaaday, inkasta oo uu yimid talis cusub.

Haybe ayaa sidoo kale waxa uu kaalin ka qaatay dagaalka ka dhanka Al-Shabaab. Lama oga in xilkii uu dowladda federaalka ka hayay uu ka rusqeystay ka hor inta uusan tegin Laascaanood iyo inkale.

Sarkaalkan dhalinyarada ah ayaa waxa uu Laascaanood u tegay si uu la-dareen noqdo beeshiisa iyo dadkiisa oo iyagu kasoo horjeestay gooni isu-taagga Somaliland, sida ay xogta ku heshay (Kaab TV).

Sarkaalkan iyo askar kale oo tababar heer sare ah haysta oo tiradooda la ogeyn ayaa ku sugan magaalada Laascaanood, kuwaasi oo halkaasi u tagay baaq uga yimid isimida SSC ay u direen dhalinyarada beesha ee haysta tababarka fiican iyo cidkasta oo qeyb ka noqon karta dagaalka ay kula jiraan Somaliland, si looga guuleysto maamulka Muuse Biixi.

Somaliland ayaa hore ugu eedeysay dowladda federaalka inay qeyb ka tahay dagaalka, islamarkaana ay Laascaanood ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan iyo kuwa ay hore usoo tababartay.

(Kaab TV) si dhab ah weli uma xaqiijin in sarkaalkan iyo askarta kale ee ku sugan Laascaanood ay halkaasi ku joogaan awaamiir ay ka wada socdaan madaxda sare ee DF.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News