MOGADISHU (KAAB TV) –1 janaayo ee sanadkaan 2025 waxaa si rasmi ah magacii ATMIS loogu badalay AUSSOM oo ah howgalka cusub ee taageerada iyo xasilinta midowga africa ee soomaaliya, lkn AUSSOM looma maalgelinayo sidii hore waxaa la damacsanyahay in loo fuliyo [HYBRID FUNDING MODEL} HA MAALIYADEED-KA ISKU DHAFAN.Taas oo macnaheedo yahay in lacagta ku baxeysa 75% todtooaatan iyo shan boqolkiiba ay qaramada midoobay bixin doonaan, halka 25% kale soo haraynaha ay iska kaasahn doonaan midowga africa iyo deeqbixiyaasha caalamka.
Waxaana la filay in nidaamkan dhaqan galo 1st of july 2025, Waxaa jira caqabado hortaagan arintaas, markii hore miisaaniyada AUSSOM waxaa lagu qayaasay 190.2M iyadoo bishii la siinayo askarta 1,000 Kon doolar Balse si loo yareeyo qarshakaas waxaa lagu heshiisay in mushaarka askarta AUSSOM laga dhigo 828 bishii miisaanidyadii guud waxay noqotay 166.5M oo 75% qaramada midoobay bixin doonaan noqoneysa 124.9M, Midowga Africa iyo deeqbiyaashana ay bixin doonaan $41.6M, Waxaa la xaqiijiyay in midowaga africa uu bixinayo 10M oo uu ka bixinaya sanduuqa nabada ee midowga africa, halka jabaan ay bixisay 3M Kuuriyada kuufureed waxay bixisay 1.5M,wadarta lahayo waa $14.5m lkn lacagta weli ka maqan waa $27M Tani waxay qatarweyn ku tahay Howlgalka midowqa africa ee soomaaliya iyadoo AUSSOM Tiir muhiim utahay Amniga soomaaliya.
Golaha amanka wuxuu 2023kii ansixiyay qaraar 2719 kaas oo ogolaanaya ilaa 75% qarashaka howlagalada midowga africa ansixiso laga maalgelindoono misaaniyada qaramada midoobay.
Bishii Dec 2024kii waxaa leyski raacay in AUSSOM ay hesho taageero,Basle waa shardhi loogu dhigay in lagu ansixiyo qaraar cusub ka hor 15 may lkn war cusub ayaa ka soo baxay golaha Amaanka ee qaramada midooway bisha may ee sankada 2025.
waxaa la sheegay in bisha may 12 golaha amaanka qaramada midoobay yeesheen shir oo la doonayay in logu diyaar garowo soo saarida qaraarka la doonayo in lagu fasaxo lacagtaas 75% AUSSOM lagu maalgelindoono.
Sida la xaqiijiyay mareykanka ayaa cadeeyay in uu Diidmada qayaxan isticmaali doono haddii miiska la keeno qaraarkaas.
Goluhu waxaa uu sheegay in aan la gaarin heshiis siyaasadeed o buuxa oo lagu dhaqan gelinkaro habka isku dhafka maaliyadeed taasna waa fursad la lumiyay,taas micnaheedo waa Goluhu ma ogola codsiga 75% in UN-ka maalgelinta AUSSOM ay ka timaado.
Howlgal AUSSOM ma helidoona maalgelin rasmi ah ilaa laga helo miisaaniyada qaramada midoobay waqtigaan.
waxaa si rasmi ah loo sheegay in AUSSOM in ay helidoonto oo kaliya taageero dhanka saadka ah oo ay bixineyso UNSOS lkn maha wixii la filalayay.
Goluhu wuxu ku baaqay in laqaato shir deg deg ah oo lgu yeerayo deeqbixiyasha iyo in la diyaariyo qorshe lagu kordhin karo taageerada dhaqaale ee AUSSOM.

