SO | EN

SO | EN

Maxamed Cali Xagaa“Muusow wixii aad ka dagaalantay dadka haku sameynin, waad la socotaa wixii kaa raacay Goojacadde”

|

MUQDISHO(KAAB TV) – Wasiir dowlaha Wasaaradda amniga Maxamed Cali Xagaa oo shir jiraa’iid qabtay isagoo wakiil ka ah dhamaan Xildhibaannada iyo masuuliyiinta kasoo jeeda gobolada Waqooyi, khaasatan gobolka Awdal, waxa uun uga hadlay shirkiisa Jiraa’iid dhaq-dhaqaaqyada uu maamulka Muuse Biixi kawado gobolka Awdal.

Sidoo kale, Maxamed Cali Xagaa oo fariin culus taliyaha ciidanka Itoobiya kadib markii wareysi uu  bixiyay uu kusheegay in ciidamada Itoobiya 60% ay katilyaan gudaha Soomaaliya.

Dhanka kale, Wasiir Maxamed Cali Xagaa ayaa waxa uu intaasi kudaray in Muuse Biixi uu bilaabay in uu caburiyo dadka deegaanka iyo Saxafiyiinta ka howlgasha gobolka Awdal iyo qofka kasto oo reer Awdal ah oo lagu tuhmaayo in  uu diidanyahay qorshaha halista ah ee uu Muuse Biixi kusiinaayo badda Itoobiya.

“Xalay magaalada Ceelsheekh waxaa laga soo qabtay cuqaashii diiday inay halkaas tagaan guddi uu Muuse u xil-saartay inay fuliyaan heshiis ku sheegii uu badda ku siiyey Itoobiya,” ayuu yiri Wasiir Xagaa.

“Muusow wixii aad ka dagaalantay dadka haku sameynin, waad la socotaa wixii kaa raacay Goojacadde iyo Laascaanood, Muusow wax aad walaalnimo ku weysay xoog ku gaari meysid ee ka jog waxaad faleysid,”

“Dowladda Soomaaliya waa isku filan tahay, ciidankeeda ayaa u dagaalamaya oo cadowga ka xoreynaya dalka, taliyahaas waxaan leeyahay taada maarey, ciidamada shisheeye dalka waa ka baxayaan sanadkaan dhamaadkiisa, ciidanka Soomaaliyeedna waa u diyaarsan yahay inuu la wareego amniga qaranka,” ayuu yiri wasiiru dowlaha, ahna sii-hayaha xilka wasiirka amniga Soomaaliya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News