Addis Ababa (KAAB TV) – Maxamuud Cali Yuusuf oo ah Wasiirka arrimaha dibeda dalka Jabuuti ayaa ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, kaddib doorasho adag oo goordhow ku soo gabagabowday Xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa.
Sido kale, musharaxan ku guuleystaya xilka guddoomiyaha Ururka Midowga Africa ayaa ubaahnaa kaliya 33 cod kasoo usoo gudbay wareeggii todobaad, kaddib markii uu ka adkaatay Raila Odinga oo ku haray wareeggii 6aad kaasoo ahaa musharax ugu adag ee la tarmtamay.
Dhanka kale, Xilka Guddoomiyenimada waxaa u sharraxnaa Maxamuud Cali Yuusuf oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti, Raila Amolo Odinga oo ah ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya, iyo Richard Randriamandrato oo ah wasiirkii arrimaha dibadda ee Madagascar.
Maxamuud Cali Yuusuf wuxuu baddalayaa Moussa Faki Mahamat oo u dhashay Chad. Laakinse ma aha dalalka qaaradda oo dhan kuwo codaynaya ee waxaa jira dalal aan ka qayb galin codaynta.
Dalalkaas oo ah lix dal waxay kala yihiin Niger, Mali, Guinea, Gabon, Burkina Faso iyo Sudan, waxaana dalalkaas looga joojiyey inay codeeyaan sababo la xiriira afgambi iyo dagaallo sokeeye.
Doorashadii dhacday labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa Eswatini waxa ay ku guulaysatay xafiiska beeraha, horumarinta reer miyiga, dhaqaalaha buluugga, iyo deegaanka ayadoo ka guulaysatay Congo-Brazzaville.
Koofur Afrika waxay iyadana ku guulaysatay 41 cod, ayada oo qabanaysa xafiiska tamarta iyo kaabayaasha.