GODEY (KAAB TV) – Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku jooga magaalada Godey ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cagjar.
Kulankan dhax maray madaxda labada maamul ayaa inmtii uu socday waxaa looga wada hadlay iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga iyo fududeynta isu socodka bulshada ku kala dhaqan Jubbaland iyo dowlad deegaanka.
Sidoo kale, maamulka Jubbaland iyo kuwa dowlad deegaanka ayaa sidoo kawada hadlay sidii looga wada shaqeyn lahaa adkeynta ammaanka xadka ay wadaagaan labada dhinac iyo sidii ay iskaashi uga yeelan lahaayeen arrimo kala duwan.
Dhanka kale, Jubbaland oo sannadihii lasoo dhaafay dibad joog ka aheyd gobolka Gedo ayaa dhawwaan madaxweyne kuxigeenka maamulkaasi gaaray degmooyinka Gedo, waxa uuna hadda uga sii gudbay dowlad deegaanka uu dhowr maalmood ku sugnaa.