Gedo (KAAB TV) – Madaxweyne kuxigeenka maamulka Jubbaland ayaa maanta degmada doolow kadaah furay shirweynaha horumarinta amniga iyo maamul wanaaga ee gobolka Gedo.
Sidoo kale, shirweynahaan ayaa waxaa qeyb ka ahaa xildhibaanno katirsan BFS, xubno katirsan golaha wasiirada iyo golaha wakiilada Jubbaland, maamulka gobolka Gedo iyo guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Gedo.
Dhanka kale, Shirkan ayaa lagu falaqeeyay sidii loo horumarin lahaa amaanka gobolka Gedo, waxaana soo qaban qaabisay shirkan wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo dib-uhishiisiinta Jubbaland.
Maxamuud Sayid Aadan oo ka hadlayey shirkaas ayaa ku eedeeyey Ciidamada ATMIS inay bilaabeen istaraatijiyad ay ku fashilinayaan qorshaha ay DF Somalia kula dagaallamayso Shabaabka oo laga xoreeyey degaanno badan.
Wuxuu xusay in dhulalka maamullada K/Galbeed iyo Jubaland ay ka baxayaan ATMIS iyadoo aan la diyaarinin ciidankii Soomaaliyeed ee bedeli lahaa, taasoo keentay inay Shabaabku qabsadaan meelaha ay ka baxaan qaarkood.
Wuxuu ciidamada ATMIS ugu baaqay inaysan ka bixin xeryohooda iyadoo aan la helin ciidankii Soomaaliyeed ee bedeli lahaa.
”Horay waxay uga bexeen Gerilley oo dadkii lagu dhibaateeyey, bishanna meelo kale ayay ka bixi rabaan. Marka iyadoo dhinac howlgal ka socdo waa inaysan dhinac kale Shabaabka ka dhiirrigelin.” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan oo ku baaqay in dib loo dhigo bixitaanka ATMIS.
Maxamuud Sayid Aadan ayaa soo jeediyey in dagaalku uu ku fiican yahay in hal mar gees ka gees laga bilaabo halkii marba dhinac laga bilaabi lahaa.