SO | EN

Maxamuud Sayid oo gaaray Doolow xilli la joojiyay duulimaadyada Muqdisho

|

DOOLOW (Kaab TV) – Xilli ay maanta dowladda federaalka joojisay diyaaradaha aadi jiray degmada Doolow ee gobolka Gedo, ayaa sidoo kale maanta degmada Doolow soo gaaray Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan.

Madaxweyne Ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka yimid dhanka Itoobiya, halkaas oo uu maalmihii la soo dhaafay ku maqnaa.

Wafdiga ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay degmada Doolow, waxaana soo dhaweynta hoggaaminayay Wasiirka Amniga, Jeneraal Yuusuf Xuseen Dhuumaal, Guddoomiyaha degmada Doolow, Maxamed Xuseen Cabdi Lafay, iyo mas’uuliyiin kale.

Inta uu ku sugan yahay gobolka, Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa lagu wadaa inuu kulamo la qaato qeybaha kala duwan ee bulshada iyo mas’uuliyiinta gobolka, si uu u dhageysto aragtiyahooda isla markaana u qiimeeyo xaaladda gobolka.

Dhanka kale, waxaa degmada Garbahaarey ku sugan wafdi uu hoggaaminaayo Wasiirka Amniga Dowladda Federaalka Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag kaasoo halkaa ka wada dhaqdhaqaaqyo looga horjeedo maamulka Jubbaland ee dhanka Gedo.

Wasiirka oo joogay halkaa maalmihii la soo dhaafay ayaa kulamo la qaadanaya xubno isugu jira ciidamo, maamulkii Gedo ee uu xilka ka qaaday Axmed Madoobe iyo odayaal.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News