Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Kaah, Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa weerar afka ah ku qaaday xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), isagoo ku dhaliilay inay ku tiirsan tahay taageero dibadeed iyo qaaraan.
Maxamuud Xaashi ayaa hadalkan ka sheegay shirka koowaad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga Kaah oo Isniintii ka furmay magaalada Hargeysa, halkaas oo uu kaga hadlay xaaladda siyaasadeed iyo dhaqaale ee Somaliland.
“Qaranka laguma dhisi karo qarrafaysi, balse waxa lagu dhisi karaa hoggaan qumman oo dalkeennu helo,” ayuu yiri Guddoomiyaha Xisbiga Kaah, Md. Maxamuud Xaashi Cabdi.
Wuxuu sheegay in xisbigiisu aaminsan yahay in xoogga la saaro kobcinta dhaqaalaha gudaha, wax-soo-saarka dalka, gaar ahaan dhinacyada cuntada iyo beeraha, si Somaliland u gaarto isku filnaansho dhaqaale.
“Waddamada kuma dhintaan quwad shisheeye oo dibadda kasoo weerarta, ee waxay ku dhintaan dayac guryahooda ka jira,” ayuu yiri Maxamuud Xaashi.
Guddoomiyaha Kaah ayaa sheegay in Somaliland ay u baahan tahay isbeddel dhab ah oo dhinacyada dhaqan-dhaqaale ah, isagoo tilmaamay in aan loo baahnayn oo keliya in hoggaan qof laga beddelo.
“Dalku uma baahna gidaar gidaar beddela ama qof qof kale beddela,” ayuu yiri.
Maxamuud Xaashi ayaa sheegay in Xisbiga Kaah uu u taagan yahay difaaca xuquuqda shacabka Somaliland iyo raadinta aqoonsi caalami ah oo buuxa, isagoo xusay in xisbigiisu noqon doono mucaarad si cad ula xisaabtama xukuumadda.
“Ma nihin xukuumaddii talada haysay, ee waxaanu nahay xisbi mucaarid ah,” ayuu ku daray.
Hadallada Maxamuud Xaashi ayaa imanaya laba toddobaad kaddib markii uu si cad u dhaliilay go’aankii Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ee ahaa in Somaliland ay xafiis diblomaasiyadeed ka furato magaalada Qudus (Jerusalem), kaddib aqoonsigii ay Somaliland ka heshay Israel.
Kaah oo doortay hoggaan cusub
Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kaah ayaa sidoo kale lagu doortay hoggaanka cusub ee xisbiga, waxaana kasoo muuqday xubno caan ka ah siyaasadda iyo bulshada rayidka Somaliland.
Cabdikariim Maxamed Xaaji Cali ayaa loo doortay Hoggaamiyaha cusub ee Xisbiga Kaah.
Sucaad Carmiye, oo ah haweeney si weyn loogu yaqaanay arrimaha bulshada rayidka iyo u doodista xuquuqda haweenka, ayaa loo doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Qurbejoogta.
Cabdilaahi Siciid ayaa loo doortay Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kaah, halka Deeqa Dayib Aw-Muuse loo doortay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud.
Shirkan ayaa kusoo beegmaya xilli xisbiyada siyaasadeed ee Somaliland ay dib u habeyn ku sameynayaan hoggaamiyeyaashooda iyo qaab-dhismeedkooda gudaha.

