Muqdisho (Kaab TV)– Tan iyo markii looga adkaaday dagaallo ka dhacay maamullada Hirshabeele iyo Galmudug, kooxda Al-Shabaab ayaa bilowday in ay qaaddo weerarro gaadmo ah oo ay ku beegsanayaan xeryaha ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka.
Weerarkii ugu dambeeyey Al-Shabaab waxay ku qaadeen degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellada Dhexe, kii ka horeeyey waxay ku qaadeen degaanka Daaruminca ee isla gobolkaas, sidoo kale xeryo ciidan oo muhiim ah ayey kooxdu weerartay todobaadyadii lasoo dhaafay.
Kooxdaan waxay weerarka fulisaa salaadda subax ka hor, inta uusan waagu beryin, taas oo ah taatiko aysan bedelin Al-Shabaab, ciidankuna ay mar hore barteen, balse ay ku guul dareysteen inay fashiliyaan weerarrada Al-Shabaab ee lasii ogaan karo.
Taliye ku xigeenkii hore ee hey’adda NISA Cabdisalaan Guuleed oo VOA la hadlay ayaa wax laga weydiiyey arrintaas, wuxuuna sheegay in sidaan aysan suurtagal aheyn in dagaalka lagu sii wado.
Cabdisalaan Guuleed ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee Al-Shabaab u fududeysay inay ciidanka laayaan ay tahay inay daroogo isticmaalaan ciidanku, gaar ahaan qaadka, wuxuuna tusaale u soo qaatay askar lagu dilay gogoshii ay ku jiifeen oo qaad ag yaalo, kuwaas oo Al-Shabaab ay soo sawireen.
Hoos ka dhageyso warbixinta

