MUQDISHO (KAAB TV) – Soomaaliya waxaa macquul ah in markii ugu horesay aysan isku weel noqanin mucaaradka oo aysan umidoobin dagaalka kursiga looga dejinaayo Xasan Sheekh.
Wixii kadambeeyay sanadkii 2004 waxaa jiray mucaarad marwalbo isku mowqif ah kulma, kadooda marwalba sidii xukunka looga tuuri lahaa kooxda xukunka joogta gunaanadkana codadka isku biiriya si uu isbedel udhoco.
Lakiin doorashada nagu soo wajahan hannaan midkii hore kaduwan oo mucaaradnimo ah ayaa la arki karaa, durba labo daraf oo mucaarad ah oo is diidan ayaa soo ifbaxay dhinac waxaa taagan labo madaxweyne oo hore waa Shariif Sheekh iyo Maxmed Cabdullaahi Faraamjo halka dhinaca kale ay taaganyihiin R/Wasaarayaal hore Xasan Cali Kheyre, Cumar Cabdirashiid Sharmaake iyo siyaasiga uusan mowqifkiisa guur-guurin ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
Sheekh Shariif wuxuu markii hore labilaabay isbaheysiga garabka Kheyre, Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur, lakiin tan iyo markii uu Farmaajo kula kulmay dalka Turkiga oo ay soo baxday in labada dhinac ay midoobeen wuxuu Shariif Sheekh Axmed kaxarig furtay garabkiisii hore waxa uuna kuweel noqday Farmaajo.
Waxaa lasheegay in labdii bil ee lasoo dhaafay uu isku dayay in labada dhinac uu isku biiriyo oo uu soo saaro mucaarad mideysan, lakiin sidaan xogta kuhelnay Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Xasan Cali Kheyre ayaa iska diiday in ay kugarab noqdaan Farmaajo.
Isku dayo badan oo uu Shariif Sheekh Axmed waday oo aheyd in mucaaradka oo dhan isugu tagaan Muqdisho oo ay qabtaan shir wadajir ah ayaan shaqeynin.
Marka laga hadlaayo in Xasan Sheekh Xamar lagula dhigto Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Xasan Cali Kheyre waaa jilaayaal aan la’aantood waxbadan lanuuxin karin.
Sababaha ay udiidan yihiin in ay kubiiraan dhinaca kale waxaa kamid ah:
1- Eedaha Farmaajo oo wali kabadan kuwa haatan jooga xukunka sida ay leeyihiin dadka kafaalooda arrimahan, lakiin si ummadda looga iibiyo qaladaadka Xasan Sheekh oo loola gardhigto waa in ay kooxdu ka eedo iyo qaladaad yartahay Xasan Sheekh sidaa darteed kooxda diidan in leysku biiro waxa ay aaminsanyihiin in ay mucaaradnimadooda xalaal noqonkarin hadii Farmaajo kulamaananyahay.
2- Waa in wali Farmaajo uu san cudurdaar kabixinin eedaha looheysto farmaajo oo looheysto muddo kororsi sharcidaro ah, in Dastuurkii dalka uu iska tuuray, in muwaadin Soomaali ah uu udhiibay cadow, in Muqdisho dagaal galiyay, in uu iskudayay in uu dilo madaxweynayaal hore, in uu cunaqabteeyay gobolada qaar iyo in nolol iyo geeri lagu waayay dad badan muddo xileedkiisii, dhinacyada diidan in leysku biiro ayaa soo jeediyay in uu Farmaajo shacabka weydiisto cafis si looga fikiro in wadajir loo wajoho Xasan Sheekh isaguna hadda diyaar umahan midaasi waxaana lasheegay in uu rabo in asigoo looheysto eedahaasi uu markale utartamo xilka.
3- Waa fursada xukunka, dhinaca diidan in leysku biiro waxaa lafahmsanyahay in ay aaminsanyihiin in haddii ay wax kudarsadaan madaxweynayaal hore in laga qaadanaayo hoggaaminta mucaaradnimada iyo fursadaha imaankara sidaas darteed waxaa muuqata in ay tijaabinayaan in ay gaar udagaalamaan.
Hoggaamiyaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa noqonkara dhari kale oo gooni ushidan madaama uu leeyahay damac Federaal ah, waxaana dadka ka faalooda arrimaha siyaasada Soomaaliya isweydiinayaan waxa Xasan Sheekh faaiido iyo khasaao ugu jira mucaarad isdiidan isagana diidan.