Muqdisho (Kaab TV) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Villa Soomaaliya ku qaabilay wakiilka gaarka ah Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Mohamed El-Amine Souef oo uu wehliyo Taliyaha guud ee Ciidamada ATMIS Sam Okiding ayaa ka wadahadlay habraaca dhimista ciidamada ATMIS oo Soomaaliya ka baxaya dhamaadka sanadka 2024 iyo ku wareejinta amniga Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Ambasadoor Mohamed El-Amine Souef ayaa bogaadiyey daddaallada ay ku bixineyso dowladda dagaalka Al-Shabaab looga xoreynayo dalka iyo dardargelinta howlgallada wajiga labaad.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa lagu yiri, “Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka duulaya guulaha isdabajoogga ah ee geesiyaasha Soomaaliyeed ay ka soo hoyeen howlgalka xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka Al-Shabaab xoogga saaraya abaabulka taageerada farsamo iyo milatari ee wajiga labaad ee howlgalka lagaga saaraayo Al-Shabaab dalka iyo guud ahaan gobolka iyo Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka, lana dhaqan geliyo qorshaha kala guurka si loo gaaro Soomaaliya nabad ah” ayaa lagu warsaxaafadeedka.