SO | EN

SO | EN

Maxay ka wada- hadleen Mareynkanka & Odayaasha SSC

|

Laascanood (KAAB  ) Magaalada Laasacnood ee gobolka Sool maanta waxa kulan ku yeeshay xubno ka  kala socda isimada gobolada Sool , Sanaag iyo cayn iyo Dowladda Mareynkanka.

Waxaa looga hadlay kulankan intiisa badan dagaalka dadka badan ay ku dhimanayaan ee ka socda   magaalada Laascanood halkaa soo weerar ay ku soo qaadeen ciidanka Somaliland.

Kulankan oo ahaa mid fogaan  arag ah ayaa xubnaha SSC  waxa ay la wadaageen Safaarada Mareynkanka ee Soomaaliya dhibaatada Ciidanka Somaliland ay ka gaysteen gobolada Sool , Sanaag iyo Cayn.

Sidoo kale waxa ay ka wada hadleen Khasaaraha soo gaaray bulshada rayidka, fududaynta gargaarka iyo xalka dagaalka wali ka sii socda magaaalada Laascanood.

Waxa la sheegay in kulankan uu soo agaasimay Xildhibaan Maxamed Keyse oo ka tirsan Golaha shacabka isla markaanna magalaada Muqdisho ugula soo kulmay danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya.

 

 

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News