SO | EN

SO | EN

Maxay maamulada uga aamusan yihiin Dastuurka marka laga reebo Puntland ?

|

Muqdisho (KAAB)- Dooda ku saabsan wax ka bedelka Dastuurka KMG ah ee dalka ayaa si aad ah ugu socoto golayaasha siyaasada dalka waxana jira diidmo xoogan oo u la kulmay.

Siyaasiin badan iyo madax kala duwan ayaa gaashaanka u daruuray in waqtigan la joogo la qaado talaabo kasta oo wax u dhimi karta midnimada Dadka Soomaaliyeed.

Waxaa muuqanaysa in maamul goboleedyada kale wali wax hadal ah ka soo saarin wax ka bedelka Dastuurka ee uu riixayo Xasan Sheekh Maxamuud taas oo lagu tilmaanay mid qar iska tuurnima ah.

Maamulka Puntland ayaa la hayaa in ay ka qaadatay mowqif adag oo ku saabsan in aysan aqbali doonin in waqtigan wax laga bedelo Dastuurka waxa ayna sheegtay in marnaba aysan aqbali doonin.

Hase ahaatee waxa wali aan lahayn oo wax badan la iska waydiinayaa waxa ay uga aamusan yihiin maamulada kale ee dalka qorshaha wax ka bedelka Dastuurka KMG ah ee ay wado Villa Soomaaliya.

Maamulada qaar oo ay ku soo food leedahay doorashooyinka madaxtinimada ayaa qayb ka mid ah siyaasiintu ay sheegayaan in ay sabab u tahay in la waayo dhawaqooda .

Lama oga halka xaalka uu ku danbeyn doono maadama wali uu taagan yahay is qab qabsi ku saabsan wax ka bedelka Dastuurka oo lagu tilmaamay in la doonayo in dadka Soomaaliyeed loo qoro Dastuur cusub.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News