SO | EN

Maxay noqon kartaa kaalinta dalalka dariska ee dagaalka Alshabaab?

|

Muqdisho (Kaab TV) – Waxaa shalay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya shirweyne muhiim ah ku yeeshay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo waddamada dariska ee Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya oo loo yaqaano dalalka safka hore.

Saddexdaan waddan iyo Soomaaliya  ayaa u midoobay dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, ayaga oo ku dhowaaqay isbaheysi ay isaga kaashaan doonaan dagaalka lagula jiro Alshabaab.

Haddaba maxay noqon kartaa kaalinta waddamada dariska ee dagaalka Alshabaab?

Faarax Isaaq oo ah aqoonyahan bartay xiriirka caalamiga ah ee dawladaha iyo arrimaha ammaanka ayaa ka hadlay arrintan, kadib wareysi uu siiyay Idaacadda VOA-da.

Aqoonyahanka ayaa shaaca ka qaaday in dalalkan ay door weyn ka qaadan karaan dagaalka Alshabaab, maadaama ay xuduud dheer la leeyihiin Sopomaaliya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in iyaga ay dan weyn ugu jirto inay caawiyaan dowladda Soomaaliya, la’iskana kaashado amniga xuduudaha, si aysan uga tallaabin kooxda.

Haddii aan fiirino waxay dan weyn ugu jirtaa dowladaha dariska ah inay Soomaaliya ka caawiyaan sidii loo ilaalin lahaa kooxahaan inay u gudbaan waddamada kalena ayaga ayey dan ugu jirtaa ” ayuu yiri Faarax Isaaq oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay arrinta howlgalka ATMIS, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ay sii dheeraa doonto qorshaha bixitaankooda, marka la eego waqtiga iyo xaaladda lagu jiro.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News