SO | EN

SO | EN

Maxay tahay sababta xilka looga qaaday Guddoomiyihii Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed

|

MOGADISHU (KAAB TV) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa si rasmi ah oo dhaqangal ah xilkaan ugu magacaabay Maxamed Maxamuud Maxamed (PHD), sida lagu yiri wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha.

Wareegtadan oo ay baahisay Villa Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo tixgalinaya khibaraddiisa qotoda dheer ee aqooneed iyo middiisa maamul u magacaabay xilkaan Dr. Maxamed, una rajeeyay inuu waajibaadkiisa u guto si xilkisnimo leh.

Madaxweynaha ayaa ku booriyay guddoomiyaha cusub se Jaamacadda Umadda inuu u guntado sidii loo sii xoojin lahaa dadaallada socda ee lagu xoojinayo heerka tayada iyo hufnaanta tacliinta sare ee dalka.

Dr. Maxamed Maxamuud ayaa kamid ah aas-aasayaashii Jaamacadda Simad ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyihii Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed Xasan Cusmaan Gacal, ayaa xilka laga qaaday kaddib markii uu qoray warqadan uu uga soo horjeestay dhul jaamacadda Umadda leedahay oo la boobayay.

Hoos ka Akhriso warqada uu qoray Guddoomiyihii Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed ee xilka laga qaaday maanta.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News