Garoowe (KAAB ) Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya xiisad salka ku haysa arrimaha doorashooyinka oo ka taagan deegaano ka mid ah maamul goboleedka Puntland.
Ciidamo kala taabacsan Madaxwaynaha waqtiga uu ka dhamaynayo ee Saciid Cabdulaahi DENI iyo xubnaha mucaaradka ee ololaha doorasho ku jira ayaa dhaq dhaqaaq ciidan oo iska soo horjeeda ka wada deegaano hoos taga magaalada Garoowe.
Sida wararka ay sheegayaan cabsi badan ayaa laga qabaa in halkaas dagaal u ku dhaxmari karo xili kasta labada ciidan ee is hor fadhiya , inkastoo warar ay sheegayaan in ay socdaan dadaalo.
Gudaha magaalada Garoowe waxa lagu karayaa maanta oo Axad ah gadiid kuwa dagaalka ah taas oo keentay cabsida ugu badan ee ka jirta maanta magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.
Mucaaradka Puntland oo doorasho doonka ah ayaa ku eedayay Madaxwayne Saciid Deni inuu wado qorshe muddo kordhin ah taas oo ay xuseen in ay tahay wax aan la aqbali karin.
Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka madaxtooyada Puntland oo ku aadan xiisadda maanta laga dareemayo magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.