Muqdisho (KAAB ) Ka dib markii maalmo ka hor uu khilaaf ba’ an soo kala dhaxgalay Taliyaha NISA iyo madaxda Hormuud ayaa waxaa soo baxaya warar dheeraad ah oo ku saabsan khilaafkaas.
Mahad Salaad oo xiray ciidankiisa xarunta wayn ee shirkadaas ay ku leedaha Bakaaraha ayaa sababtay in Madaxwayne Xasan uu soo gaba – gabeeyo safar uu ku joogay Dhuusmareeb si arinta uu u dhaxgalo.
Madaxwaynaha ayaa ku canaantay Mahad Salaad talaabada qar iska tuurnimada ah ee ay qaadeen ciidanka NISA isla markaana ay ahayd talaabadaas mid laga baaqsan karay.
Dhankooda xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka ayaa sheegay in ay gayn doonaan Barlamaanka mooshin ku saabsan Taliyaha NISA oo qaaday dhabo qaldan sida ay sheegeen.
Inkastoo labada dhinac ay isla meel dhigeen in xaliyo wixii dhacay hadana waxaa xogaha la helayo ay sheegayaan in Mahad uu culasyo badan uu kala kulmayo siyaasiin , madax dowladda ah iyo hoggaanka shirkada oo dadaal ku bixinaya in meesha laga soo Mahad Salaad.
Golaha Wasiirada ayaa shalay u wacay Taliyaha nabad sugida si wax loogu waydiiyo weerarkii lagu qaaday shirkadda Hormuud.