GOGOLDHIG
Tan iyo Markii golaha Wadatashiga qaranku ( GWQ) ay saxiixeen heshiiska hannaanka doorashooyinka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya 27 Maajo 2023, qoddobka 7aad ee heshiiskana lagu sheegay in Nidaamka madaxtinnimada dalku uu noqonaayo nidaamka madaxtooyada (presidential system) waxaa bannaanka yimid doodo siyaasadeed iyo kuwa dastuuri ah oo la xiriira faa’iidooyinka iyo dhibaatooyinka uu soomaaliya u yeelan karo nidaamka loo guuraayo, iyo sababta looga guuraayo nidaamka barlamaaniga ah ee Soomaaliya ku dhaqanto muddana ay soo tijaabisay.
Doodaha siyaasiyiinta iyo aqoonyahan ee banaanka yaallo waxay iskugu jiraa dhawr nooc oo kala ah, qaar ka soo horjeestay in laga guuro nidaamkii ay soomaaliya soo tijaabisay kuna dhaqmaysay dawladihii dimuqraadiga ahaa oo ay yeelatay laga soo bilaabo markii soomaaliya ay xurriyadda qaadatay 1960, halka qaar kale ay taageereen soojeedinta golaha wadatashiga qaranka ayaga oo arrinkaas sabab uga dhigaaya khilaafaadkii siyaasadeed ee dhaxmaraayay madaxwaynayaashii dalka iyo raiisu wasaarayaashii ay magacaabeen arrinkaas oo marar badan sabab u noqday in khilaafaadku ay ragaadiyaan hawlihii qaranka ee socday iyo kuwii kale ee qorshaysnaa.
Waxaa kale oo jiro aqoonyahan kale oo meel dhexe taagan oo ku doodaaya in inta aan la qaadan soojeedinta iyo waxa lagu qarriray heshiiska golaha wadatashiga in la iswaydiiyo dhawr su’aalood, lana falanqeeyo si uu u soo baxo nidaamka ugu fiican ee la qaada karo, kuna haboon waaqica Soomaalia, iyo hanaanka dawlad dhisidda, su’aalahaas waxaa ka mid ah:-
a- Maxay tahay sababta loogu guuraayo nidaamka barlamaaniga ah ee aan hadda ku dhaqanno, muddana ku dhaqmeynay?
b- Haddii uu nidaamkaas ceebo yeeshay ma jirtaa qaab kale oo lagu Xalli karo oo aan ahayn in laga wada guuro?
c- Maxay tahay faa’iidada ku jirta nidaamka madaxtooyada ee aan u guuraynno?
d- Maxay yihiin ceebaha uu leeyahay nidaamka madaxtooyada ee aan rabno inaan u guurno, yaase badan ceebihiisa iyo faa’iidadiisa?
e- Ma jiraan nidaamyo kale oo ka baxsan labada nidaam oo talada lagu darsa karo?
haddaba, aniga oo kaambaqaadaaya doodaha taagan waxaan qormadaan ku falanqeyndoonnaa khataraha waawayn ee ku gedaaman nidaamka Madaxtooyada ee la soojeediyay, iyo dhibaatooyinka uu dalka u horseedi karo, aniga oo qormada u kala
qeybiyay qeybaha soo socda:-
I. Gogoldhig
II. Soomaaliya nidaamkee ku dhaqmi jirtay: Sooyaal taariikheed
III. Isbarbardhigga nidaamyada kala duwan
IV. Labada nidaam keebaa ku wanaagsan xaqiijinta degenaasho siyaasadeed iyo
dawlad dhiska
V. sidee loo xalli karaa ceebaha midaamka barlamaaniga ah?
VI. ilaa intee nidaamka madaxtooyadu ku haboonyahay soomaaliya?
VII. Gunaanad
2) Soomaaliya Nidaamkee ku dhaqmi jirtay: Sooyaal taarikheed
A- Dastuurkii 1960
Dastuurkii ugu horreeyay ee ummadda soomaaliyeed loo sameeyay xurriyaddii kadib, ee loo yaqaanno dastuurka 1960, waxaa lagu qarriray in soomaaliya ay qaadatay nidaamka barlamaaniga ah si ka duwan waddamadii afrika ee ay isku xilliga qaateen xurriyadda ama ay isku dhawaayeen Somaaliya.
Waxaan tusaale u soo qaada karnaa dhawr dalka dastuurradooda oo Africa ah kuwaas oo xurriyadda qaatay xilligii Soomaaliya ay xurriyadda qaadaneysay ama kuwa aan isku dhaween, waddamadaan africaanka ah waxaa ka mid ah:-
1- Dastuurka Algeria ee Aftida loo qaaday 1963
2- Dastuurka Benin ee Aftida loo qaaday 1956
3- Dastuurka Afrikada dhaxe ee 1964
4- Dastuurka Tunisia ee 1959
5- Dastuurka Nigeria ee 1960
6- Dastuurka Butuswana ee 1966
7- Dastuurka Ivory Cost ee 1960
8- Dastuurka Gabon ee 1961
9- Dastuurka Kinya ee 1963
10- Dastuurka Togo ee 1960, iyo kuwa kale.
Si ka duwan Soomaaliya , dhammaan wadamadii Africa ee xalligaan qaatay xurriyadda waxay dastuurradooda ku qarrireen inay qaateen nidaamka Madaxtooyada ( presidential system), hase ahaatee khubaradii diyaarisay dastuurka Somaaliya waxay rumaysnaayeen in nidaamka barlamaanigu yahay kan ku haboon soomaaliya iyo dhammaan waddamada dawladnimada iyo dimuqraadiyadduba ku cusub yihiin , isla markaana aan lahayn waaya-aragnimo dawladeed.
B- Dastuurkii 1979
Dastuurkaan waxaa sameeyay nidaamkii askarta oo ku dhisnaa kalitalisnimada, si kastaba ha ahaatee dastuurkaan waxaa lagu qarrariray nidaam leh astaamo kala duwan oo aan lahayn meel loo raaco iyo nidaam lagu tiri karo.
Haddii aan arrinkaas sii iftiimiyo astaamaha nidaaamkaan waxaa ka mid ahaa:-
Waxaa jiray madaxwayne iyo madaxwayne ku xigeen oo madaxwaynhu isku yahay madaxa qaranka iyo madaxa xukuumadda
Madaxwaynhu wuxuu magacaabi karaa wasiirka koobaan haddii ay la haboonaanto
Madaxwaynaha waxaa dooranaayay golaha shacabka
Madaxa golaha wasiirrada waa madaxwaynaha
Golaha shacabku wuxuu la xisaabtamayay dawladda iyo laamaheeda Marka aad si fiican u dhuuxdo astaamahaan, nidaamka dastuurkaan lagu qarriray waa nidaamka aan meel loo tiiri karan, barlamaani iyo kan madaxtooyada koona looma nisbeey karo.
C- Burbukii kadib
Axdiyadii 2000 iyo 2004, iyo Dastuurka FKMG ee 2012, dhammaantood waxaa lagu dhigay in soomaaliya ay qaadatay nidaamka barlamaaniga oo barlamaanku uu madaxwaynaha doorto, Xukuumaddana uu kalsoonida siiyo lana xisaabtamo, kalsoonidana kala laabto markay waajibkeeda guwa wayso.
Ugu dambayntii, Sooyaalka taariikheed ee aan soo tilmaannay wuxuu muujinayaa in dhammaan dastuurradii dimuqraadiga ee Soomaaliya yeelatay iyo waliba axdiyadii KMG ahaa dhammaantood ay Soomaaliya qaadatay nidaamka barlamaaniga.
3) ISBARBARDHIGGA NIDAAMYADA KALA DUWAN
Dunida casriga ah waxaa jira dhawr nidaam dawladeed oo ay ugu muhimsan yihiin
kuwaan hoos ku xusan:-
1) Nidaamka Barlamaaniga ah (parliamentary system)
Nidaamka barlamaaniga wuxuu leeyahay tiirarka hoos ku xusan:-
A- Waxaa kala duwan Madaxa qaranka iyo madaxa Xukumadda
B- Xukumadda waxaa madax u ah raiisu wasaaraha halka madaxwaynuhu yahay madaxa qaranka
C- Barlamaanka ayaa la xisaabtamaayo xukumadda
D- Barlamaanka ayaa kalsoonida siinaaya Xukumadda, isla markaana
barlamaanku waa la laaba karaa kalsoonidii uu Xukumadda siiyay.
E- Madaxwaynuhu malaha wax awood fulineed ah, shaqadiisu waxay ku kooban tahay saxiix iyo khudbado.
Waddamada nidaamkaan qaatay waxaa ka mid ah UK, Ethiopia iyo India.
2) Nidaamka madaxtooyada (presidential system)
Nidaamka Madaxtooyada wuxuu leeyahay tiirarka soo socdao Madaxwaynaha waxaa soo doorto dadwaynaha
o Madaxwaynuhu waa madaxa qaranka iyo madaxa xukuumada labadaba
o Awoodaha dawladda ee sadaxda ah waxay u kala baxsanyihiin si
dhamaystran ( Absolute separation of powers)
o Barlamaanku lama Xisaabtami karo madaxwaynaha
o Madaxwaynuhu isaga ayaa u madaxbanaan magacaabista wasiirada, asaga
ayaana jiheeyo siyaasadda gudaha iyo tan dibadda
o Xukumaddu uma baahna kalsooni siinta barlamaanka
Maxay yihiin Astaamaha Kala baxsanaanta dhamayska tiran ee
nidaamkaan?
Xubnaha barlamaanku wasiirro ma noqo karaan
Wasiirradu ma tagi karaan Barlamaanka si ay u sharxaan siyaasadda
xukuumadda
Xukuumadda ma aha cidda diyaarinaysa Miisaaniyadda, Guddiga
Maaliyadda ee Barlamaanka ayaa diyaariyo kadibna Barlamaanka u
gudbinaaya si uu u ansixiyo
Barlamaanku korjogtayn iyo la xisaabtanba kuma laha Xukuumadda
Golaha wasiirrada kaliya waxaa la xisaabtami kara madaxwaynaha
Madaxwaynhu kalama diri karo barlamaanka
waddamada ku dhaqmo nidaamkaan waxaa ka mid ah, wadanka USA, Sudan
iyo Congo.
3) Nidaamyada Isku dhafan
Kasokow, labada nidaam ee aan soo tilmaannay, waxaa jira nidaamyo isku dhafan oo la isku dhafay qeybo ka mid ah astaamaha labada nidaam, nidaamyada isku dhafan waxaa laba nidaam oo kala ah:-
i. Nidaamka shaabbaho kan Madaxtooyada (Semipresidential system)
Nidaamka Shaabbaho kan madaxtooyada , waxaa jiro mdaxwaynaha oo ah Madaxa qaranka, iyo raiisu wasaaraha oo ah madaxa Xukumadda , labaduba waxay leeyihiin awoodo siyaasadeed.
Caadiyan madaxwaynaha waxaa soo doorto dadwaynaha wuxuuna leeyahay awoodo siyaasadeed, waana halka oo kaga duwanyahay nidaamka barlamaaniga ah, dhanka kale barlamaanka ayaa la xisaabtamaaya fulinta, waana halka uu kaga duwan yahay nidaamka madaxtooyada caadiga ah.
Dowladaha ku dhaqmo Nidaamkaan waxaa ka mid ah France.
ii. Nidaamka Shaabbaho kan barlamaaniga (Semiparliamentary system)
Waa nidaam la mid ah kan barlamaaniga ah hase ahaatee awoodaha madaxwaynuhu kuma koobna kaliya saxiix iyo khudbad jeedin, ee wuxuu leeyahay awooddo taa ka duwan, nidaamkaan waxaa ku dhaqmo wadanka koonfur Africa.
4) Labada nidaam ee barlamaaniga iyo madaxtooyada keebaa ku wanaagsan xaqiijinta degenaasho siyaasadeed iyo dawlad dhiska?
Xeel-dheerayaasha qaanuunka badankoodu waxay tilmaameen in mareekanku yahay tusaalaha ugu fiican ee ku guulaystay nidaamka madaxtooyada fa’iidana ka helay, hase ahaatee markii la isku dayay in nidaamkaas lagu tijaabiyo mareekaynka meel aan ahayn lagala kulmay kaliya fashal.
Nidaamka madaxtooyada waxaa qaatay oo dastuurradooda ku qoray dawlado ay ka midyiihin kuwa Laatiin ameeriko, Filibiin, kuuriyada koofureed iyo kuwa kale, ayaga oo
qaadashada nidaamkaan uu sabab noqday una horseeday kalitalisnimo iyo burbur,
ayaga oo ku guulaysa kari waayay dhisidda nidaam dimuqraadi ah oo xasilloon.
Daraasad lagu sameeyay 93 dawladood oo xurriyadda qaatay intii u dhexeysay 1945 ilaa 1979, ayaa muujisay arrimahaan soo socda:-
A- In dawladaha ilaashaday Xasilloonidooda siyaasadeed ay ahaayeen muddadaas dhammaantood kuwa qaatay nidaamka Barlamaaniga ah.
B- Sidoo kale daraasaddu waxay tilmaantay %60 dawladaha dunida ee guulaystay, ilaashadana dimuqraadiyadda lehna nidaam siyaasadeed ee xasilloon ay yihiin kuwa qaatay nidaamka barlamaaniga ah, halka Dawladaha qaatay nidaamka madaxtooyada ee ku guulaystay dhisidda dawlad dimuqraadi ah oo xasiloon ay yihiin 23% Dawladaha dunida
Waxaa kale oo Xusid mudan daraasaddana ku cad in 24ka dawladood ee ah kuwa
ugu xasilloonn dunida, laguna tiriyo inay ku sifoobeen inay yihiin kuwa siyaasad
ahaan ugu degan dunida, gaareenne bisayl dhanka dimuqraadiyadda ah ay yihiin
kuwa ku dhaqmo nidaamka barlamaaniga, dawladahaas oo kala ah: Australia,
Austria, Barbados, Belgium, Botswana, Canada, Denmark, Germany, Iceland, India, Ireland, Italy, Jamaica, Japan, Lithuania, Luxembourg, Malta, Netherlands, New Zealand, Norway, Sweden, Trinidad Tobago and Britain.
Halka wadamada ku dhaqmo nidaamka madaxtooyada ee dunida ugu xasilloon tiradooda ay daraasaddu ku tilmaantay 4 dawladoodoo kala ah: USA, Colombia, Costa Rica, and Venezuela.Arrintaas oo muujinaysa in waddamada qaatay nidaamka barlamaaniga ah ay siyaasad ahaan ka xasillonyihiin kuwa qaatay nidaamka madaxtooyada.
Wadanka Turkiga oo dhawaan ka guuray nidaamka Barlamaaniga una guuray kan madaxtooyada ma ku kharaaray mise waa ku faa’iiday?
Sida aan ogsoonnahay wadanka Turkigu wuxuu ku dhaqmi jiray nidaamka barlamaaniga, hase ahaatee dhawaan ayuu nidaamkaas ka guuray una guuray nidaamka madaxtooyada oo Turkiga ka dhaqangalay 28 June 2018, hase ahaatee dhawr sanno kadib waxaa soo baxay dhawr cilladood oo waawayn oo ay ku jiraan kuwaan hoos ku xusan:-
Awoodihii dawladda ayaa ku uruuray gacanta madaxwaynaha
Waxaa meesha ka baxay isla xisaabtankii hay’adaha dawladda iyo iskorjoogtayntoodii
Waxaa daciifay hoosna u dhacay awoodhii barlamaanka
Waxaa daciifay madaxbanaanidii garsoorka
Khubarada Siyaasadda iyo qaanuunka iyo Waliba Xisbiyada Mucaaradka ee Turkiga ayaa durba bilaabay inay u ololleeyaan in loolaabto nidaamkii hore ee barlamaaniga ahaa, am xal kale oo dhexe la helo, waxaa kale oo la bilaabay daraasado lagu muujinaayo dhibaatooyinkii ka dhashay muddadii koobneed ee lagu dhaqmaayay nidaamka Madaxtooyada.
5) Ilaa intee nidaamka madaxtooyadu ku haboonyahay Soomaaliya?
Soomaaliya kama duwana waddamo badan oo qaatay nidaamta madaxtooyada oo haddana uu u horseeday fashil siyaasadeed iyo kalitalisnimo, sidoo kale waxaa jiro waddamo soomaaliya ka waaya-aragsan oo ka guuray nidaamka barlamaaniga ugana guuray nidaamka madaxtooyada kuwaas oo dhawr sanno kadib ay soo baxday in nidaamkani uu dalkooda ku hogaaminaayo jihada kalitalisnimada.
Marka la eego tijaabooyinka iyo khibradaha dunida ee laga bartay waddamadii qaatay nidaamka madaxtooyada waxaa muuqanaayo in qaadashada nidaamkaan uu sababi karo dhibataayin iyo cillado ay ka midyihiin kuwa hoos ku xusan:-
a) waxaa meesha ka baxi doona isla xisaabtankii iyo iskorjoogtaytii hay’adaha dawladda
b) Awoodaha dawladdu waxay iskugu tigi doonaan kuna uruuri doonaan hal gacan
c) waxaa meesha ka bixi doono awoodihii iyo Matalaaddii barlamaanka
d) Waxaa daciifaayo awoodda garsoorka
e) Ugu dambayntii waxaa abuurmi karo kalitalis sababi karo burbur iyo
xasilooni darro
6) Sidee loo xallin karaa Ceebaha Nidaamka barlamaaniga ah?
Dadka dhaliilsan nidaamka barlamaaniga ah waxay tilmaaman laba
arrimood oo kala ah:-
1- In barlamaanku badanaa uu ragaadiyo hawlaha xukuumadda asaga oo marmarsiino ka dhiganaaya in Xukumaddu ay gudawaysay waajibaadkeedii
2- Iyo in nidaamku uu sabab u yahay khilaafaad joogto ah oo dhexmara
madaxwaynaha iyo raiisu wasaaradaha taas oo mararka qaar caqabad ku
noqoto hawlaha socdo iyo kuwa qorshaysanba.
Marka la fiiriyo labada arrimood ee lagu dhalliilay nidaamka barlamaaniga ah waaxaa muuqanaaya inay yihiin laba arrimood oo ka dhashay tijaabadii iyo dabbaqaaddii lagu sameeyay nidaamka barlamaaniga ah inta lagu dhaqmaayay.
Si kastaba ha ahaatee, labada cilladoodba, waxaa saldhig u ah sixun u dabaqidda nidaamka barlamaaniga ah iyo ku dhaqmid la’aanta dastuurka iyo ugu dambayntii halgan hogaamiyayaashu ugu jiraan awood marooqsi.
Ugu dambayntii ayada oo laga duulaayo dhibaatooyinka nidaamka barlamaaniga ah iyo asbaabta keentaba waxaan is leeyahay dhibaatooyinkaas waxaa lagu xalli karaa sidaan soo socota:-
1- In dastuurka si cad loogu tilmaamo awoodaha xukuumadda iyo tan
madaxtooyada lana kala xadeeyo
2- In hay’adaha dawladda iyo madaxdaba lagu wecyigeliyo inaanay dhaafin
kana gudbin soohdintooda iyo xuduudaha awoodaha dastuurku siiyay.
3- In la dhiso maxkamadda dastuurka si ay fasiraad uga bixiso khilaafaadka
dastuuriga ah
7) GUNAANAD
Qormadaan kooban waxay ka hadlaysaa khatarada waawayn ee ku gedaaman nidaamka Madaxtooyada oo uu soo jeediyay golaha wadatashiga qaranku, qormadu waxay isbarbardhig koobnan ku samaysay wadamada ku dhaqmo nidaamka barlamaaniga ah iyo kuwa ku dhaqmo nidaamka madaxtooyada, ayada oo iftiimisay natiijada ka dhalan karta haddii la qaato nidaamka madaxtooyada.
Qormadu waxay soo bandhigtay tusaalayaal cad cad oo la xiriira in wadamo badan oo nidaamkaan qaatay ay ku khasaareen halka kuwa kale oo ka guuray nidaamka barlamaaniga ah una guuray nidaamka madaxtooyada ay hadda haayaan dhabaha kalistalisnidama sida Turkiga oo khubaro badan oo dhanka siyaasadda iyo qaanuunka dastuuriga ah ay soojeedinayaan in loo laabto nidaamkii barlamaaniga.
Ugu dambayntii qormadu waxay soojeedinaysaa talooyinka soo socda:-
A- in labada nidaam lagu sameeyo isbarbardhig si loo baadi goobo nidaamka ku haboon soomaaliya ayada oo laga shidaal qaadanaayo waddamada soo tijaabiyay labada nidaamba.
B- in marka hore laga doodo sababta looga guuraayo nidaamka barlaaniga ah ee aan hadda ku dhaqanno.
C- inaan doodaha lagu koobin labada nidaamka kaliya ee la sahmiyo nidaamyada isku dhafka ah ayada oo la eegaayo sida ay waaqica soomaaliya ugu haboon yihiin.
D- In la daraaseeyo xaaladaha wadadmada horay ugu dhaqmi jiray nidaamka barlamaaaniga ah oo hadda u guuray nidaamkaadaxtooyad si loo ogaado waxa nidaamkani ku soo kordhiyaya faa’iido ama dhibaataba.
_
*Qareen: Daahir Maxamed Cali ( Carab)