Gedo (KAAB TV) – Xiisadda u dhexeyso dowladda federaalka iyo Jubbaland ayaa hadda mareysa halkii ugu xumeyd, kadib markii ay kala tageen Villa Soomaaliya iyo Jubbaland oo ku kala aragti duwanaaday arrimo siyaasadeed, qaasatan doorashooyinka dalka ka dhici kara, oo Villa Somalia ay u aragto in muddada u harsan ay ku qabankarto doorasho qof iyo cod ah, halka uu Axmed Madoobe iska diiday.
Sidoo kale, xiisadda udhexeysa Jubbaland iyo Villa Somalia ayaa ugudambeyn gaartay gacan ka hadal, kaddib markii labada dhinac ay dhawaan ku dagaalameen deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ay isku fara saareen ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland, halkaas oo laga adkaaday ciidankii dowladda federaalka geysay halkaas.
Xiisadda udhexeysa Jubbaland iyo Villa Somalia oo haatan uweecatay dhanka gobolka Gedo oo ay haatan dhaq-dhaqaaqyo culus ka waddaan ciidanka dowladda federaalka halkaas geysay, si ay ula wareegto guud ahaan gacan ku haynta gobolkaasi iyadoona u dirtay wafdi wasiiro iyo xildhibaanno oo hadda qorshe ka wada degmada Garbahaarey.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Xildhibaan Cismaan Libaax oo kamid ah wasiirrada dhaq-dhaqaaqa ka wada Garbahaarey ayaa isaga oo la hadlayay odayaasha Gedo wuxuu sheegay inay hortaallo fursad muhiim ah oo ka dhalatay kala tagista Axmed Madoobe iyo dowladda dhexe, wuxuuna usoo jeediyay inay ka faa’iidestaan.
“Axmed Madoobe, haddii uu dowladda la heshiin lahaa annaga taas ayaa noo darneyd fursad ma heli lahayn hadda fursad ayaan leenahay Axmed Madoobe iyo dowladda waa kala tageen wixii Jubbaland loo wado inta ayaa la keenayaa” ayuu yiri Cismaan Libaax.
“Annaga iskama aanan imaanin wixii mashaariic ah halkan ayaa la keenayaa, marka waa inaan fursaddan ka faa’iideysanaa”.
Sikastaba, hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan dowladda federaalka ay isku dayeyso inay isku ballaariso gobolka Gedo oo dhan, halkaas oo ay joogaan qaar kamid ah ciidamdeeda.