Muqdisho (Kaab TV)– Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay gudaha garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde ku qabatay shirka deg deg ah oo la xiriira xaaladda ka taagan dalka Sudan.
Shirkan oo maanta ka dhacay gudaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde gaar ahaan qeybta VIP-da ayaa waxaa looga wadahadlay soo daad gureynta dadka Soomaaliyeed ee uu saameeyay dagaalka kasocdo dalka Suudaan.
Kulankan ayaa waxaa shir guddoominayay Wasiir Wasaarada arrimaha dibadda Abshir Cumar Haruuse ayaa waxaa soo qabanqaabisay Ergeyga soogalootiga iyo arrimaha caruurta Maryan Yaasiin Xaaji.
Hasayeeshee tan iyo markii uu bilowday dagaalka Suudaan ayaa dalal badan oo ajaaniib ah waxey kudadaalayeen sidii ey ugula bixi lahaayeen muwaadiniintooda sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa ayadana muwaadiniinteeda kala soo baxday halka ay wali qaar kaloo badan ay wali kuharsanyihiin eyna ku go’doonsanyihiin meelo kala duwan.