SO | EN

SO | EN

Maxkamad ku taal dalka Kenya oo ku xukuntay safaaradda Soomaaliya in ay bixiso $200k oo doolar oo dib u dayactir ah oo lagu sameeyay.

|

NAIROBI (KAAB TV) -Maxkamad ku taal Kenya ayaa ku amartay Premier Bank in uu sii daayo KSh 26 milyan oo u dhiganta ($201,942) oo ka soo baxay xisaabaadka safaaradda Soomaaliya ee Kingsly Construction Limited, taasoo soo gebagebeysay dacwad muddo saddex sano ah u dhaxeysay oo ku saabsaneyd howlo dib u dayactir ah oo ka socday dhismaha safaaradda ee Nairobi. Maxkamadda ayaa diiday sheegashada Soomaaliya ee xasaanadda diblomaasiyadeed.

Khilaafkan ayaa soo bilowday sanadkii 2016-kii markaasoo ay safaarada Soomaaliya u kiraysay Kingly Construction si ay u dayactirto dhismaheeda Kilimani. Dib u dhacyo isdaba joog ah iyo lacag la’aan ka dib, shirkadda dhismaha ayaa dacweysay dowladda Soomaaliya sanadka 2019, iyadoo dalbatay lacag dhan KSh 53.6 milyan ($ 369,438) oo shaqo ah. Sida ku cad warqadaha maxkamadda, safaaraddu waxay joojisay lacagihii ay bixin jirtay, waxayna xannibtay gelitaanka shirkadda ee goobta, taasoo keentay in Kingly Construction ay haysato lacag baaqi ah.

Difaacaysa, Soomaaliya waxay ku doodday in dhaqaalaha ku jira xisaabaadka safaaradda lagu ilaaliyo xasaanad diblomaasiyadeed sida uu dhigayo heshiiskii Vienna ee xidhiidhka diblomaasiyadeed (1961). Danjire Jabriil Cabdulle ayaa sheegay in dhaqaalahaas lagu soo xareeyay baasaboorka iyo fiisaha dal ku galka, ay tahay mid diblumaasiyadeed oo aan la qaban karin.
Si kastaba ha ahaatee, Garsoore Alfred Mabeya oo ka tirsan maxkamadda sare ayaa go’aamiyay in xasaanadda dublamaasiyadeed aysan gaarsiisneyn qandaraasyada ganacsiga. “Xasaanadda madax-bannaanidu kama ilaalin karto dawlad-goboleed waajibaadkeeda heshiis ganacsi oo keliya,” ayuu yidhi, isagoo amar ku bixiyay in 26-ka milyan ee shillinka Kenya laga sii daayo akoonada la xayiray ee Kingly Construction.
Sida laga soo xigtay ilo badan, mashruuca dib u dayactirka safaaradda ayaa markii hore lagu bixiyay lacag dhan $100,000 oo ay ku deeqeen ganacsatada Soomaaliyeed ee Kenya. Kingly Construction waxa ay galisay $300,000 dheeraad ah si ay u dhamaystirto shaqada. Mashruucan ayaa si heersare ah loo soo agaasimay, iyadoo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo mas’uuliyiin sarsare ay booqdeen goobta 2016. Si kastaba ha ahaatee, doorashadii Soomaaliya ee 2016 ka dib waxaa si lama filaan ah u istaagay lacagihii la bixin jiray, waxaana hakad galay shaqada.

Kingsly Construction, ayaa isku day ay ku dooneysay in ay ku soo ceshato deynta lagu leeyahay, waxa ay horay u dooneysay in ay xaraashato hantida safaaradda ka dib markii dowladda Soomaaliya ay iska dhaga tirtay baaqyo badan oo sharci ah. In kasta oo heshiis ka baxsan maxkamaddu muddo kooban lagu gaadhay, haddana way burburtay markii ay safaaraddu fulin wayday ballan-qaadyadii lacag-bixinta. Waxaa sii dheer khilaafka, Kingsly waxay ogaatay in safaaraddu ay ku talo jirto in 20% ka haray mashruuca dayactirka lagu wareejiyo qandaraasle kale, iyadoo la adeegsanayo agab Kingly uu horay u siiyay.

Muranka dhismaha ayaa sidoo kale banaanka soo dhigay ismaandhaafka gudaha ee ka dhex jira bulshada diblumaasiyadeed ee Soomaaliya. Danjirihii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Kenya, Maxamed Axmed Nuur Tarsan, ayaa si cad u weydiiyay in Kingly Construction ay soo gabagabeysay wax shaqo ah oo macno leh oo safaaradda ka socday.
Tarsan oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in miisaaniyad gaar ah oo dhan $320,000 — oo ay iska soo uruuriyeen ganacsatada Soomaaliyeed ee Kenya iyo Xukuumadii hore ee Xasan Cali Kheyre, markii dambe loo adeegsaday dhameystirka mashruuca. Eedeyntiisa waxaa si deg deg ah u beeniyay Fatxudin Cali Maxamed oo hadda ah Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga, wuxuuna hadalka Tarsan ku tilmaamay mid meel ka dhac ku ah sumcadda, isagoo wacad ku maray inuu tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doono.

Xukunka ayaa soo afjaray dagaal dheer oo dhanka sharciga ah. Shirkadda Kingsly Construction ayaa lagu wadaa in ay hesho lacag dhan 26 milyan oo shilinka Kenya ah oo u dhiganta 201,942 doolar oo lagu leeyahay shaqada safaaradda.

“Xukunku wuxuu dib u xaqiijinayaa in xasaanadda diblomaasiyadeed aan laga faa’iidaysan karin si looga fogaado waajibaadka ganacsiga,” ayuu yiri qareenka Kingly Construction, Charles Madowo. “Macaamilkayagu muddo dheer ayuu sugayay natiijadan, cadaaladana waa la fuliyay.”

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News