SO | EN

MAXKAMAD KU TAALLA TURKIGA OO SOO SAARTAY AMAR MALAGU SOO XERAYO WIIL UU DHALAY MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA.

|

TURKIGA (KAAB TV) TURKIGA ayaa ogaaday in wiil uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ka baxsaday dalka Turkiga ka hor inta aysan maxkamad Turki ah soo saarin xayiraad caalami ah oo dhan ah socdaalkiisa.

Xafiiska dacwad oogaha magaalada Istanbul ayaa baxsashada eedeynsaha kadib, wuxuu soo saaray waaran maxkamadeed oo lagusoo xirayo eedeysanaha, iyadoo loo marayo booliiska adduunka ee loo yaqaano Interpol.

Wiilka madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa loo haystaa geerida muwaadin u dhashay dalka Turkiga, oo ku dhintay shil gaari oo uu ku galay magaalada Istanbul, 30kii bishii hore ee November.

Maxkamadda soo saartay xayiraadda lagu soo rogay Maxamed Xasan Sheikh Maxamuud Dec. 7, ayaa ogaatay inuu eedeysanaha ka baxsaday Turkiga Dec. 2, kahor intaan lagusoo rogin xayiraada safarka.

Duqa magaalada Istanbul Ekrem İmamoğlu ayaa dhaleeceeyay baxsashada uu Turkiga ka baxsaday eedeysanaha, wuxuuna sheegay inay tahay mid nasiib darro ah oo xad gudub ku ah ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta dalkiisa.

Warar aan si dhab ah loo xaqiijin Karin ayaa sheegaya in wiilka madaxweynaha Soomaaliya uu u baxsaday dalka Imaaraatka Carabta

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News