LONDON (Kaab TV) – Nin magangalyo-doon Itoobiyaan ah ayaa lagu xukumay 12 bilood oo xabsi ah kaddib markii lagu helay dambi ah inuu kufsi iyo taataabasho u geystay gabar dhallinyaro ah iyo haweenay ku sugan deegaanka Essex, UK.
Hadush Kebatu ah 38 jir u dhashay dalka Itoobiya ayaa lagu heley dembiga lagu soo eedeeyay bishii Luulyo.
Garsooraha maxkamadda Christopher Williams ayaa ku tilmaamay Hadush Kebatu “mid khiyaano badan,” waxaana ay maxkamaddu ku heshey shan dambi.
Kebatu, oo bishii Juun ku soo galay UK doon yar, kuna noolaa hoteel ay dejisay Xafiiska Home Office-ka, ayaa weeraray gabadha 14-jirka ah iyo haweenayda bishii Luulyo.
Garsooruhu wuxuu sheegay in falalkiisu dhaawac u geysteen dhibbanayaasha iyo sidoo kale magangalyo-doonkii kale ee ku sugnaa Bell Hotel.
Gabadha yar ayaa sheegtay in dharka iskuulka uu hadda ka dhigay “mid ka dhigaya inaanan ammaan dareemin,” halka haweenayda kalena ay sheegtay inay dareentay “caro iyo niyad-jab.”
Garsooruhu wuxuu ammaanay haweenayda isagoo ku tilmaamay inay “u istaagtay difaaca kuwa nugul.”
Qareenka difaaca ayaa sheegay in Kebatu uu doonayo in si degdeg ah loo masaafuriyo sababo la xiriira caafimaadka dhimirkiisa, balse maxkamaddu waxay sheegtay inuu yahay “halis weyn oo mar kale ku soo noqon kara falal dembiyeed.”
Waxa kale oo lagu xukumay amar shan sano ah oo ka horjoogsanaya inuu la xiriiro haween aan horey u aqoon, waxaana lagu daray liiska dambiilayaasha galmada muddo 10 sano ah.
Booliiska deegaanka Essex ayaa ammaanay geesinimada dhibbanayaasha, halka taliye ku xigeenka Stuart Hooper uu cambaareeyay rabshadaha iyo mudaaharaadyadii ka dhashay dhacdadan, isagoo sheegay in “dembi kasta uusan marmarsiiyo u noqon karin rabshado.”

