SO | EN

SO | EN

Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku ridday saddex oday oo heshiis la gashay Al-Shabaab

|

Muqdisho (Kaab TV) – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun adag ku ridday Odayaasha Beesha Saleebaan ee dhawaan heshiiska lasoo galay kooxda Shabaab kadib markii ay ugu tageen degmada Xarardheere, kahor inta aysan soo gelin gacanta ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya.

Odayaashan oo kala ah: Sugaal Warsame Cali, Caliyare Axmed Xeyle iyo Cumar Maxamed Jimcaale ayaa 27-kii December ee sanadkii tegay laga soo xiray gudaha degmada Cadaado, ayaga oo markaas uun ka yimid dhinaca Xarardheere oo ah halka uu heshiiska ka dhacay.

Sida uu sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabkasida General Xasan Cali Nuur (Shuute), waxay maxkamaddu odayaasha ku xukuntay xabsi ciidan oo shan sano ah.

Maxkamadda ayaa u ogolaatay inay odayaashu xukunkaasi ka qaadan karaan racfaan.

Waa markii ugu horreysay oo odayaal la kulmay kooxda Al-Shabaab xukun intaas  la’eg lagu riday.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News